Arbaco, August 06, 2008(HOL): Maamulka Degmada Af-gooye ayaa wuxuu digniin u jeediyay ganacsatada Hilibka ka baayac-mushtarta, kuwaasi oo uu uga digay in ay ka ganacsadaan hilibka Hoolo baqtiyay oo dhowr jeer oo hore la geeyay Suuqa Hilibka Degmada Afgooye.
Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Af-gooye Ibraahim Diini ayaa sheegay in ciddii ay ku helaan iyadoo ka ganacsaneysa Hilibka Neef Baqtiyay ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, wuxuuna cadddeeyay in ay horay arrintaas dad ugu heleen ayna tallaabo ka qaadeen.
Hadalka uu sii daayay Taliyaha Booliska Degmada Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay horay caafimaad darro ula soo deristay dad cunay hilibka neef baqtiyay, kaasi oo
Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hor ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay ganacsato badan oo aan xil-kas ahayn, kuwaasi oo qaarkood ay dalka soo geliyaan raashin iyo dawo aan tayadooda wanaagsaney oo haddii ay Dowald wax koontaroosha jiri lahayn aaney suurtagal noqoteen in dalka la soo geliyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia