Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo shir maalintii 8aad galay uga hadlaya wax ka qabashada dhibataada ay ku jiraan Shacabka Soomaaliyeed

Cabirka Farta


Arbaco, August 06, 2008(HOL): Waxaa maalintii 8aad galay Aqoon is-weydaarsi ballaaran oo Culimada Ahlu Sunaha Waljamaacah uga socda Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Dood Cilmiyeedkan uu yahay mid Culimada ku kala aragti qaadanayaan, kaas oo ku wajahan Xaaladaha cakiran ee ka jira Dalka Soomaaliya.

Culimadu ayaa waxay Dood cilmiyeedkan diirada ku saarayaan sidii ay Bulshada Soomaaliyed wacyi gelin dhinac kasta leh ugui sameyn lahaayeen iyagoo ka shidaal qaadanaya, dhibaatooyinka haatan bulshada soomaaliyed soo wajahay, sida Dilalka foosha xun ee qorsheysan ee lagula kacayo dadka wax tarka u leh bulshada, sida Siyaasiyiinta, aqoonyahanada, Saraakiisha, culimada iyo shaqaalaha sama falka.

Dood Cilmiyeedkan ayaa sidoo kale waxay Culimada isku tusaaleynayaan Doorka Shariifka ah ee kaga aadan sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi gelinta iyagoo u maraya wadiiqad kasta ee bulshada lagu gaarsiin karo sida Masaajidyada, aqoon isweydaarsigan oo kale iyo mowlacyada iyo wixii la mid ah si ay Culimadu ugu sara kacdo, in ay wax ka qabtaan xaaladaha murugada leh ee 18-kii sano ee ugu dambeeyay la daalaa dhacayay shacabka soomaaliyed.

Culimadu ayaa waxay dood cilmiyeedka isku weydaarsadaan fikrado iyo aaraah ku aadan xaaladaha soo noq noqday ee mar walba ku dhacaya shacabka isla markaana abuuray barakac iyo in qoysas badan ay ka hayaamaan Gudaha Dalka soomaaliya kuwaasoo badaha ku halaagsamaya, iyo sidoo kale kuwo ku jira xabsiyada Dowladaha jaarka nala ah.

Baaqyada Culimadu ayaa waxay yihiin kuwo lagu muujinayo sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibaatooyinka ka taagan Caasimada oo ku habsanaya shacabka, waxaana ay sheegeen in ay u istaagi doonaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in shacabka ku wacyi geliyaan sidii looga fogaan lahaa waxa ay Diintu reebtay sida Dilka maalaayacniga ee qofka Muslimka ah loo geysanayo.

Culimada sida weyn uga muuqata dood cilmiyeedkan ballaaran ee ka socda Hotel Global ayaa waxaa ka mid ah Mashaa'iqyo waa weyn oo dalka aad looga yaqaana waxaa ka mid ah Sheekh Muuse Sheekh Xasan Cadde, Sheekh C/rashiid Sheekh Xuseen Cadde, Sheekh C/qaadir Maxamed Sheekh Soomow, Sheekh Muuse Mara Cadde iyo Sheekh Muuse Caga-weyne.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia