Arbaco, August 06, 2008(HOL): Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu gacanta ku heynayo oo uu daryeelayo Caruurta Haweenkii ku geeriyooday qaraxii dhawaan ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa sheegay in ay xanaaneynayaan caruurta haweenkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacya Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii ay haweenkaas ka geeriyoodeen, isagoo sidoo kalena caafimaad u rajeeyay haweenkii dhaawacmay.
Hadalka Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Qoysaskii ay haweenkaas ka geeriyoodeen, kuwaasi oo gacan-siin weyn u arkay ballanqaadka Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir.
Shalay ayay ahayd markii uu Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir sheegay in uu furayo waddooyin ku xirmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, sidoo kalena uu guryahoodii dib ugu soo celinayo dad badan oo dagaalladaas ku barakacay.
Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu u muuqdaa mid isku dayaya in uu kasbado taageerada shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo eedo badan ka sheegan jiray maamulkii midkan ka horeeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia