
Arbaco, August 06, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay codsatay in Baarlamaanka Soomaaliya loo raro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xildhibaanadda oo maanta ka hadleysay kulan uu isugu yimid Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in ay faraha ka sii baxeyso amni darro ka jirta Magaalada Baydhabo, waxayna intaas ku dartay in amni darradaas jirta aawadeed aysan suurtagal ahayn in uu Baarlamaanka ku sii shaqeeyo magaalada Baydhabo.
“Maadaama uu sii xumaanayo Ammaanka Magaalada Baydhabo waxaan codsanayaa in Baarlamaanka Soomaaliya loo raro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo sheegtay in Magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Ciidamo beelo gaar ah ka kooban oo aan sugi karin Ammaanka Magaalada Baydhabo.
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa intii ay Mudanayaasha Baarlamaanka la hadleysay waxay soo hadal qaaday weerar bambo gacmeed loo adeegsaday oo habeenno ka hor lagu qaaday guriga ay Magaalada Baydhabo ka degan tahay, waxayna sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Weerarkaas wuxuu ahaa mid abaabulan, waxaana taas daliil u ah maalin dhaweyd mar aan ka hadlay Baarlamaanka oo aan jeediyay hadal ka dhan ah Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa ii hanjabay dad aanan hadda dooneynin in aan halkan ka sheego, kuwaasi oo igu yiri waan idin leyneynaa haddii aad joojin weysaan dhaqdhaqaaqyada aad uga soo horjeedaan Xukuumadda Federaalka”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo sheegtay in ay si gaar ah u baartay weerarkii lagu soo qaaday kadibna ay arrintaas si caalami ah uga dacwootay.
Ugu dambeyntiina, Xildhibaanadda oo aad uga careysneyd markii ay hadleysay ayaa waxay dhaliil u jeedisya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Saraakiisha Ammaanka Baydhabo oo ay sheegtay in aysan wax tallaab ah qaadin markii weerarka lagu soo qaaday gurigeeda, halka ay u mahadcelisay Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo sheegtay in uu isla markii weerarka lagu soo qaaday xiriir la sameeyay, uuna weydiiyay xaaladdeeda iyo in ay u baahan tahay Ciidamo Ammaankeeda suga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia