Axad, August 10, 2008(HOL): Wafdi ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Isbaheysigaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu magaalada Qaahira ee Dalka Masar kula kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Caamir Muusa.
Wafdiga Isbaheysiga iyo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sidii ay Jaamcadda Carabta uga qeybqaadan lahayd dadaallada xalka loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intii uu kulanka socday wuxuu ka codsaday Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa in ay Jaamcadda Carabta door muuqda ka ciyaarto dhaqangelinta heshiis ay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 9-kii June 2008 ku wada gaareen Dalka Jibouti, kaasi oo qodobadiisa ay ku jireen in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, kadibna ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
Ilo ku dhow dhow dadkii kulankaas ka qeybgalay ayaa laga soo xigtay in Caamir Muusa uu Wafdiga Isbaheysiga u sheegay in Jaamacadda Carabta ay diyaar u tahay wax ka qabashada mushkiladda Soomaaliya iyo, si gaar ahna wuxuu hoosta uga xariiqay codsi loo jeediyay oo ahaa in ay Jaamacadda Carabta wax ku lahaato Ciidamada UN-ka ka socda ee Soomaaliya loo dirayo, wuxuuna sheegay Caamir Muusa in ay kaliya u baahan yihiin in ay helaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo wajahayo meel-marinta qodobada Heshiiskii Jibouti, gaar ahaan marka ay timaado in Ciidamo ka socda UN-ka Soomaaliya loo diro.
Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar oo sidoo kalena la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Masar ayaa waxay horay kulamo ula soo qaateen Wakiillo kale oo ka socday Jaamacadda Carabta iyo weliba Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mr. Ahmed Aboul Gheit, kuwaasi oo ay iyana ka wada hadleen arrimo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.
Ugu dameyntiina Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu aqbalay ka qeybgalka wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay ee lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Soomaalida wuxuu fursad u helay in uu mowqifkiisa Arrimaha Soomaaliya u gudbiyo Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Ururro kale, kuwaasi oo markii hore uu albaabkooda ka xirnaa, waxaana xusid mudan in Wafdi ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay labo jeer kula kulmay Magaalooyinka Djibouti iyo New York.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia