Axad, 10 August, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa shalay waxay weerar ku qaadeen guriga Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyadoo weerarkaasina la sheegay in uu ahaa mid la doonayay in dhibaato loogu geysto Xaaji Cabdi Iimaan.
Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan oo ah Afhayeenka Siyaasadda Golaha uu hoggaamiyo Xaaji Cabdi Iimaan ayaa isagoo ku sugan Dalka Ingiriiska wuxuu Idaacadda Somaliwen ee magaalada Muqdisho u sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga Xaaji Cabdi Iimaan uu ka dambeeyay Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad.
C/llaahi Shiikh Xasan oo wax laga weydiiay sida isagoo ku sugan Dalka Ingiriiska uu ku xaqiijin karo in weerarkaas uu ka dambeeyay Axmed Diiriye ayaa sheegay in uu ka war qabo waxyaabaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho, “Haddii aan joogo Ingiriiska macnaheeda ma ahan in aanan la socon waxyaabaha Muqdisho ka dhacaya, xiriir joogto ah ayaan leenahay Xaaji Cabdi Iimaan, waxaana caddeeyay in uu weerarkaas ka dambeeyay Axmed Diiriye mid ka mid ah Kooxihii weerarka soo qaaday oo la qabtay”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
Laakin Axmed Diiriye Cali oo ka jawaabayay eedeyntaas loo jeediyay ayaa isna wuxuu isla Idaacadda Somaliweyn u sheegay in uusan falkaas wax lug ah ku lahayn, uuna ka xun yahay in la weeraro Xaaji Cabdi Iimaan, “Xaaji Cabdi Iimaan waa nin Oday ah oo saaxibkey ah mana jirto sabab aan ugu diro rag weerara”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in C/llaahi Shiikh Xasan uu warkaas uga dan leeyahay sida uu u yiri in uu ku ceebeysto.
"Haddii uu jiro qof la qabtay oo sheegay in aan aniga weerarkaas soo abaabulay waxaa loo soo gudbin karaa caddeynta la sheegayo rag Beesha Mudulood ka soo jeeda oo aan ka wada tirsan nahay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye’ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
Xaaji Cabdi Iimaan ayaa wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye kaasi oo la aas-aasay wax yar ka hor intii aysan xooggooda bilaaban dagaalladii ay dadka badan ku dhinteen ee sanadkii 2007 Muqdisho ka dhacay, hayeeshee markii ay dagaalladaas istaageen ayuu Golahaas u kala jabay labo garab kadib markii ay madaxdiisa sare is-qabteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia