Axad, 10 August, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xeradii Asluubta ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe waxaa madaafiic hoobiyayaal ah ku weeraray Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadaasna ay ku jawaabeen Madaafiic kale oo ku dhacday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag.
Xoogagga Al-Shabaab oo madaafiicdan sheegtay in ay ku tuureen Xeradii Asluubta ayaa waxay Saraakiil u hadlay sheegeen in ay madaafiic dhowr ah gudaha u geliyeen Xeradaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
Markii Madaafiicdaas lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku jira Xeradii Asluubta ayay iyaguna ku jawaabeen Madaafiic kale oo qaarkood ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda ay ku taallo Warshaddii Caanaha iyo sidoo kalena nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax.
Madfac ku dhacay guri ku yaala Agagaarka Masjidka Xareed ee Degmada Howl-Wadaaga ayaa wuxuu geystay dhaawac soo gaaray shan ruux, kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Marka weerarrada lagu qaado CIidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa dhacda in ay iyaguna madaafiic kale ku jawaabaan, taasi oo ay waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo guryahooda iska jooga.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo sanad iyo dheeraad ah waxaa ka socda iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay sababeen in ay dad badan amni darro aawgeed uga barakacaan Magaalada Muqdisho, halka kuwo kale oo weli guryahooda baaqi ku sii ahna ay dhowrayaan goorta ay iska hor-imaadyadan joogsan doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia