Axad, 10 August, 2008(HOL): Sakaalka ka tirsanaa Ciidamada Nadad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo dilka sarkaalkaasna ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Jahawareer ayaa la sheegay in ay dilkiisa ka dambeeyeen 3 nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo baxsaday kadib markii ay dilka marxuumka geysteen.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo wuxuu saxaafadda u xaqiijiyay Dilka sarkaalkaas loo geystay, wuxuuna sheegay in ay sarkaalkaas toogteen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa wuxuu la shaqeynayay Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka ee Gobolka Bakool, wuxuuna dilkiisa ku soo beegmay iyadoo madaxda maamulka Gobolka Bakool ay isaga tageen xarunta Gobolka oo ah Degmada Xudur, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo.
Degmada Xudur ee xarunta u ah Gobolka Bakool ayaa haatan waxaa gacanta ku haya xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kuwaasi oo ay u noqoneyso markii labaad oo ay gacan ku heynta degmadaas la wareegaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia