Axad, August 10, 2008(HOL): Waxaa ka soo reyneysa maalinba maalinta ka dambeysa xaaladda haween tiradooda gaareyso 42 Haween ah, kuwaasi oo ku dhaawacmay Qarax dhawaan ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Haweenkan oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa dhaqaatiirta daweyntooda gacanta ku heysa waxay sheegeen in ay soo wanaagsanaaneyso xaaladda Haweenkaas oo qaarkood dhaawacyo culus qabeen markii Isbitaalka la geynayay.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina, ahna Dhaqtar Isbitaalkaas ka howlgala Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa sheegay in xaaladda haweenkaas ay tahay mid ka soo reyneysa, wuxuuna xusay in inkastoo qaarkood ay waayeen qaar ka mid ah xubnaha jirkooda ay hadana xaaladdooda wanaagsan tahay.
Daahir Dheere waxaa uu sheegay in marka laga soo tago gurmadka ay Haweenkaas Isbitaalka ka heleen ay dhinaca kale kaalmooyin kala duwan ka heleen Dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkoo dalka gudahiisa ku sugan yihiin, halka kuwo kalena ay dalka dibaddiisa ku sugan yihiin.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Dheere waxa uu sheegay in maanta oo ugu dambeysay ay haweenkaas Deeq lacageed ka heleen Dalladda Haweenka Cogwo, taasi oo ugu deeqday lacag dhsan 29,400,000 Sh. So, taasi oo haweenka dhaawacmay qofkiiba laga siiyay lacag dhan 700,000 Sh. So.
"Haweenka ka socday Dalladda Haweenka Cogwo aad ayay ugu mahadsan yihiin kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahooda dhibaateysan, wax weyn ayayna u tari doontaa lacagta ay ugu deeqeen"ayuu yiri Daahir Dheere oo sidoo kale u mahadceliyay Dadkii iyo Ururradii horay deeqda lacageed u gaarsiiyay Haweenkaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Haweenkaas ayaa waxay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo ku qabsaday nawaaxiga Shineemadii Soomaaliya ee Wadada Makka Al-Mukarrama, halkaasi oo ay ka wadeen howlo nadaafadeed, waxaana sidoo kalena halkaas ku naf waayay Haween kale oo tiradooda kor u dhaafeysay 15 haween ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia