Axad, 10 August, 2008(HOL): Col Axmed Xaashi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana sanadihii ugu danbeeyay kala shaqeynayay Dowladda Federaalka sugida amaanka Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Magaalada Beledweyne kadib markii uu ku soo dhameystay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Xabsi dhan 6 Bilood.
Col. Axmed Xaashi oo u warmayay HOL ayaa ku eedeeyay xarigiisa Saraakiil sar sare oo ka tirsan waaxaha Ciidamada Dowladda Federaalka, gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay abaan-duulka ugu sareeya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ay isku qabteen qaabka sugidda Nabad-galyada.
Col. Xaanshi oo aan weydiiyay waxa uu markaas Ciidamada ka ahaa ayaa sheegay in uu ka tirsanaa Saraakiil aan tiro yareyn oo tagay Gobalka Hiiraan isla markaana u tagay Magaalada Muqdisho sidii ay gacan u siin la haayeen Dowladda Federaalka laakiin waxaa uu yiri nabsiib daro taas badalkeeda waxaa ku mutay in aan galo xabsi.
"Xitaan arinteyda waxaa soo faragaliyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo markii hore aynu wada shaqeyn jirnay, kuwaas oo weydiiyay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada waxa u xarigeygu ku saleysan yahay laakiin ma suurta galin in Saraakiishu ku guuleystaan in ay iga sii dayaan xariga ayuu yiri Col. Axmed Xaashi oo dhinaca kale sheegay in loo diiday xitaa in la daaweeyo kadib markii uu gacan uga jabay gudaha xabsiga.
"Madaxweynaha Dowladda Federaalka ma garanayo in uu ka war hayay arinta xariga iyo in kale balse waxaa u maleynayaa in uu san ka warqabin, maxaa yeelay arimuhu waxaa ay ahaayeen kuwo ku eg uun Saraakiil si kale wax u maamulaya" ayuu yiri Col. Xaashi oo ka jawaabay Su'aal aheyd bal in Madaxweynuhu ka war hayay arinta Xarig iyo in kale.
Waxaa uu intaas ku daray in uu dib ugu soo laabtay Magaalada Beledweyne isla markaana uu faraha kala baxay howlihii arimaha Ciidamada ee uu gacanta ka siinayay Dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya uu yahay shaqis reer Hiiraan ah oo aan wax lug ah ku laheyn arimaha Dowladda.
Ma'aha Mas'uulkii ugu horeyay ee ka soo jeeda Gobalka Hiiraan oo sheega in uu isaga baxay howlihii uu u hayay Dowladda Federaalka, dabayaaqadii Sanadkii aynu soo dhaafnay ayayna ahayn markii uu ka soo goostay Dowladda Col. Axmed Cilmi Guuto oo ahaa taliyihii guutada 21aad ee Xerada Ballidoogle kaasi oo sheegay in uusan sii wadi karin howlihii uu ka hayay Dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
COL AXMED XAASHI: " Waxaan ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho 6 Bilood, waxaana xitaa la diidayay in aan daawo helo kadib markii aan ku jabay gudaha Xabsiga"
Cabirka Farta
More News
- Wafdi ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo Qaahira ku kulmay
- Xaaladda 42 Haween ah oo ku dhaawacmay Qarax Muqdisho ka dhacay oo ka soo reyneysa
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Degmada Xudur
- Weerar lagu qaaday Guriga Xaaji Cabdi Iimaan oo lagu eedeeyay Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Afhayeenka oo eedeyntaas beeniyay
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qulqulaya Magaalada Baydhabo
- Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xeradii Asluubta oo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weeraray iyo Ciidamadaas oo Madaafiic kale ku jawaabay