Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

Sabti, April 05, 2008(HOL): Afar ruux ayaa geeriyootay tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay is-rasaaseeyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Afarta ruux ee geeriyootay ayaa waxay isugu jireen labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

Is-rasaaseynta oo ka dhacday nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ayaa waxay ahayd mid si kedis ah u bilowday, iyadoo dadka waxyeellada soo gaartay oo rayid u badnaana ay rasaasta haleeshay iyagoo wadada socday.
 
Daqiiqado kadib markii ay is-rasaaseyntaas dhacday ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo goobtii is-rasaaseynta ka dhacday ka kaxeystay dad dhowr ah oo isugu jiray kuwo wadada socday iyo kuwo goobahooda ganacsi ku jiray, isla markaana la aaday dhinaca Xarunta Dembi-baarista ee ku taala nawaaxiga Isgoyska KM4.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan ka dhacayay iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay waxyeello ka soo gaarto Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay haleesho rasaasta ay dhinacyadaan isku ridayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia