Sabti, April 05, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Shariif Yuusuf Shiikh Xasan ayaa waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo markii toogashada geysteen kadib baxsaday.
Daqiiqado kadib markii uu dilka dhacay ayaa waxaa goobtii dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo goobta meydka ka qaaday, iyagoo kadibna dadka magaalada Baydhabo ku amray in ay guryahooda ku xaroodaan.
Ma ahan sarkaalkii ugu horeeyay oo lagu dilo magaalada Baydhabo, waxaana horay magaaladaas loogu dilay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba askar isugu jirtay Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo ay toogteen rag bastoolado hubeysan.
Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa wuxuu muddooyinkan ammaankeeda ahaa mid faraha ka sii baxaya, mana jirto ilaa iyo haatan tallaabo uu amni darrada jirta ka qaaday maamul dhawaan loo magacaabay Gobolka Bay, kaasi oo ay mas�uuliyiintiisa ballanqaadeen markii la dooranayay in ay wax badan ka bedeli doonaan amni darrada ka jirta Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Baydhabo.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaaladaas u guuray 26-kii Febraayo 2005, waxaana sidoo kale ku yaala xafiisyada Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia