Sabti, April 05, 2008(HOL): Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Somaliland, Md. Fu’aad Aadan Cadde ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha xilka lagaga qaaday oo ahaa dhalliilo uu u jeediyey Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa. Waxana uu sheegay in uu ka hadlay keliya inaan waxba loo qaban dadka reer Sool, isla markaana lacagtii dadka laga ururiyey iyo 2% lagu kordhiyey cashuurta aanay gebi ahaanba gaadhin gobolkaas.
Mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu xilkiisa ku waayey waraysi uu siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Space Channel, kaas oo uu wasiirku si adag ugaga hadlay wax-qabad la’aanta xukuumadda ee Gobolka Sool, dhaqaalihii loogu yeedhay gurmadka iyo taakulaynta gobolada Bari oo aan la garanayn meel ay martay, dayaca ka jira gobolkaas ee dhinacyada adeegga guud iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin gobolada cusub ee Madaxweyne Riyaale magacaabay dhowaan kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo qabiil qabiil u jarjaraya dalka. Waxaana la filayaa in waraysigaas oo telefishanku sii daayey habeen hore, shalayna ku soo baxay boggaga hore ee wargeysyada ka soo baxa Hargeysa qaarkood uu ka cadhaysiiyey Madaxweyne Riyaale, isaga oo warqaddiisa xilkaqaadistana ku sheegay in Fu’aad Aadan Cadde uu caadaystey hadalo ka baxsan “akhlaaqiyaadka wasiirnimo”.
“Telefishanka waxaan ka sheegay haddii loo geeyo [dadka gobolka Sool] 2% gu inuu ka badan yahay, tan kale ee Madaxweynekuxigeenku ururiyeyna inay lacag aad u badan tahay,” ayuu yidhi Fu’aad oo u warramay Radio Horyaal, shalay, kadib markii xilka laga qaaday.
“Nasiibdarro in hal shilin, hal Doolar dadkii la yidhi waa loo ururiyey aanu ka gaadhin,” ayuu raaciyey.
Mudane Fu’aad Aadan Cadde isaga oo sii faahfaahinaya arrintaas uu kaga hadlay waraysiga uu siiyey telefishanka, waxa uu yidhi, “Waxaan ka cawday - anigu nin shicib ah baan ahay oo bulshadaan ku dhexjiraa - Qof waliba wuxuu nagu yidhi waxayagii waa nalaga qaaday oo Laascaanood..la siiyey. Laascaanoodna waan ka warhayaa inaan hal Shilin gaadhin. Wax mucaawino ah oo gaadhey gebi ahaanba in aanay jirin. Intaas oo run ah baan sheegay, ilaa iyo maantana wax gaadhey iyo wax loo diray iyo wax loo qabtay midna ma jirto”.
Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu sheegay in lacagta Boqolkiiba 2da ah ee dib u dhiska iyo horumarinta gobolka Sool loo saaray cashuuraha ay tahay lacag aad u badan, taas oo uu sheegay inay shay kasta oo la kala iibsado ama la soo dejiyo ama la cashuuro ay saaran tahay, isla markaana ay noqonayso lacag aad u badan. Waxana uu tilmaamay in lacagtaas Boqolkiiba 2da ah uu maamulo ama gacanta ku hayo Madaxweyne Riyaale, halka Madaxweynekuxigeenkuna uu hayo ama maamulo lacagta taakulaynta gobolada Bari ee ah qaadhaanka ay bulshada ka soo ururiyaan guddida Taakulaynta Gobolada Bari ee uu madaxda u yahay.
Waxana uu sheegay in lacagahaas oo ku magacaaban gobolka Sool ay noqonayaan labaduba lacag aad u badan oo wax u tari lahayd gobolkaas haddii wax loogu qabto, balse, aanay waxba ka gaadhin gobolkaas. Waxa keliya oo uu xusay in gobolkaas ay gaadhey $40 (Afartan Kun oo Doollar), taas oo uu sheegay inay ka mid tahay lacag loogu talagalay gurmadka abaaraha oo gobolada oo dhan la siiyey, isla markaana loogu talagalay $10 (Toban Kun oo Doollar) oo loo qoondeeyey biya-dhaamis iyo $30 (Soddon Kun oo Doollar) oo loogu talagalay in dadka abaaruhu ku habsadeen loo siiyo cunto, waxana uu saluug ka muujiyey saamiga gobolka Sool laga siiyey lacagtaas.
Mudane Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday baahida ka jirta gobolkaas, isaga oo sheegay in magaalada Laascaanood ay leedahay hal dugsi sare iyo cusbitaal yar oo uu dhisay Ingiriiskii.
Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu qiray in Madaxweyne Riyaale u dulqaatay isaga, marka la eego sida qaawan ee uu dhalliilaha xukuumadda saxaafadda ugu sheego, taas oo uu sheegay inuu kaga duwanaa wasiirrada kale.
Wax walba oo jira waan ku hadlay. Dad badan baa waxay odhan jireen sidaa aad u hadasho wasiir uma hadlo ee maxaa lagu eryi waayey? Qaar badan baa xitaa Madaxweynaha ula tegey,” ayuu yidhi Fu’aad.
“Laakiin, anigu waxba ma qarsado, wax walba waxaan ka sheegay telefishanka iyo jaraa’idka,” ayuu raaciyey.
Mudane Fu’aad waxa kale oo uu dhalliilay gobolada cusub ee Madaxweynuhu magacaabay, waxana uu sheegay in fikraddiisa shakhsiga ah uu ka bixiyey arrintaa waraysiga uu siiyey telefishanka, isaga oo sheegay inuu u arko in dalka loo qaybqaybiyey beelo, isaga oo tusaale u soo qaatay Gobolka Sool oo laga jaray degmada Caynabo, taas oo uu sheegay in dadka ay isku beesha yihiin ee Puntland raacsani aanay sheegan kari jirin gobolka Sool markii degmada Caynabo ka tirsanayd, balse, hadda ay ku doodi karaan in gobolka Sool oo hadda loo qaydey hayb keliya.
Dhinaca kale, mudane Fu’aad Aadan Cadde waxa uu marar badan ka cawday wasaaraddiisa oo uu sheegay in ay tahay meel cidlo ah oo aanay xukuumaddu siinin ahmiyaddii ay lahayd.
Isaga oo ka hadlaya sida uu Somaliland u aaminsan yahay, uguna shaqaynayo markasta, waxa uu sheegay Fu;aad Aadan Cadde in uu hore u yidhi, “Ninka marka uu shaqada hayo - waxay doonto shaqadu ha ahaatee - Somaliland ammaana ee taageera, balse, marka shaqada laga qaado carara ee dhinaca kale ka soo jeestaa waa ‘Inan Gumeed’”.
Sidaa darteed, waxa uu sheegay in isaga oo wasiir ah iyo mar ka horreysey oo aanu wasiir ahayn iyo iminkaba uu Somaliland yahay, isla markaana aaminsan yahay wadajirkeeda, nabadgelyadeeda iyo horumarkeeda.
Mar la weydiiyey inuu ku biirayo xisbiyada mucaaridka ah, waxa uu sheegay in aanu iminka xisbi mucaarid ah ku biirayn, balse, uu markasta aaminsan yahay, kana hadlo in dadka wax loo qabto, isla markaana uu tilmaamayo dhalliilaha ku salaysan waxqabad la’aanta.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland