Sabti, April 05, 2008(HOL): Iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley.
Iska hor-imaadkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, walow ay jiraan warar sheegaya in ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyskaas si gaadmo ah looga dhaawacay labo Askari, halka ay jiraan dad rayid ah oo iyana iska hor-imaadkaas ku dhaawacmay.
Waxaa gebi ahaanba istaagay isu socodkii iyo dadkii isticmaali jiray Wadada Wadnaha, kuwaasi oo ay socodkooda hakad geliyeen rasaasta aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan.
Isgoyska Florenza ayaa ah meesha kaliya ee ay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Wadada Wadnaha, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Dadka degan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay qaati ka joogaan iska hor-imaadyada had iyo jeer Isgoyskaas iyo nawaaxigiisa ku dhexmara CiIdamada Dowladda iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay qoysas badan oo halkaas horay u deganaa ay guryahoodii ka barakaceen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada haatan ku sugan Isgoyska Florenza ayaa waxay yihiin kuwo cusub oo laga soo bedelay nawaaxiga Tareebuunka, iyadoo Ciidamo kuwan ka horeeyay oo ku sugnaa Isgoyska Florenza ay ahaayeen kuwo aan la weerari jirin oo uu is-faham ka dhaxeeyay dadka deegaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia