Sabti, April 05, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kadib markii Maalmihii aynu soo dhaafnay uu ku sugaan Degmada Buulo-Burte ee Gobalka Hiiraan oo uu dagaal culus ku dhaxmaray Kooxaha ka soo horjeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamo ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Guddoomiyaha Gobalka oo uu wehliyo Ku-xigeenka Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada dhexe Axmed Cumar Xabeeb Jaandhaay ayaan wax hadal ah u jeedin dadweyne isugu soo baxay Xarunta Maamulka Gobolka isagoo markiiba abaaray Guriga uu ka degna yahay Magaalada.
Ciidamada Maamulka ee la socday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay in ay xiraan is goosya soo gala Guriga Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, waxaana sidoo kale Ciidamo aad u hubeysan la dhigay qaar ka mid ah Xarunta Maamulka Gobalka iyo Sadhiga Booliska oo markii hore lagu arki jiray Ciidamada Itoobiya.
Inkastoo Yuusuf Dabageed la oran karo si dhab ah uguma guuleysan howlihii uu u tegay Degmada Buulo-Burte iyo Deegaannada hoostaga, hadana waxaa dhinaca kale la oran karaa waxaa uu suurtagaliyay in ay gaaraan Degmada Buula-barde Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Itoobiya oo hadda firiisin cusub ka sameystay halka lagu magacaabo Bardaha oo dhinaca Waqooyi wax ka yar 3 km kaga beegan Degmada Buulo-Burte.
Lama oga waxa uu ka qaban doono Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan xaalada Nabad-galyo ee Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen Qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee Jooga Deegaanka Janta-kuundisho Xilli ay ku sugaayeen Gudaha Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dib ugu soo laabtay Magaalada Beledweyne
More News
- Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday oo dhimasho iyo dhaawac sababtay
- MACALLIN XAASHI: “Xubnaha Isbaheysiga waxay Nairobi u tageen Dalxiis, Dib-u-heshiisiin ay shacabka wakiil uga yihiinna halkaas uma tegin”
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay Xildhibaan Maxamed Qanyare ku kulmeen Magaalada Nairobi
- Iska hor-imaad saaka ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo
- Wasiirkii Hormarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Somaliland ee Xilka laga qaadya oo ka hadlay Xil-ka-qaadistiisa