Sabti, April 05, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya qadka taleefoonka ugu waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Magaalada Nairobi isku arkeen Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya- Shiikh Shariif Shiikh Axmed
“Waa jirtaa in Maxamed Qanyare uu halkan nagu soo booqday, wuxuuna noo soo jeediyay in la is-cafiyo bacdamaa dhibaato naga dhex dhacday, taasina arrin muhiim ah ayaan u aragnay, waana ka ogolaannay”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheeko ku saabsaneyd in uu Maxamed Qanyare ku biiray Isbaheysigooda dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Maxamed Qanyare kaliya ka hadleen in la iska cafiyo wixii dhibaato ahaa ee dhexmaray iyo sida xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya.
Dhanka kalena, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay marti u ahaa Barnaamijka Falanqeynta Jimcaha ee ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mushkiladda ka taagan Soomaaliya wada hadal lagu dhameeyo, isagoo sheegay in beesha Caalamka ay haatan u muuqato mid aad u daneyneysa in la soo af-jaro dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uu jiri karo wada hadal dhexmaro Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa dhibaatad ka taagan Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego waqtiga ay wada hadalladaas dhacayaan.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo u badan kuwo ku sugan magaalada Muqdisho oo inta badan ay ka dhacayaan dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxay si weyn u jeclaan lahaayeen heshiis ay agaareen dhinacyada dushooda ku dagaalama, si markaas ay u helaan nabad ay ku noolaadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia