Axad, April 27, 2008(HOL): Waxaa sii kordhaya Khasaaraha uu geystay dagaal ay xalay kooxo hubeysan ku qaadeen fariisin ay Ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Xaruntii Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir.
Dagaalkaas oo ahaa mid la isugu adeegsaday hub aad u culus ayaa wuxuu sababay dhimashada dad gaaraya 13 ruux, kuwaasi oo 7 ka mid ah ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Xaruntaas ku sugnaa iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay, halka inta soo hartayna ay ahaayeen Dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicdii ay labada dhinaca isku ridayeen.
Jabhad la magac baxday Jabhadda Islaamka ayaa sheegatay in ay weerarkaas ka dambeysay, wuxuuna mas’uul u hadlay sheegay in ay xalay weerar ku qaadeen Xarunta Villa Baydhabo, isla markaana ay halkaas khasaare xooggan ugu geysteen Ciidamadii ku sugnaa.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Villa Baydhabo, marka laga reebo warkan ku saabsan in Ciidamadii Xaruntaas ku jiray weerar xooggan lagu qaaday, khasaarana loo geystay
Weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Villa Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Dadka deriska la ah Xaruntaas ay ka cabanayeen Ciidamo Dhac u geysta oo degan Xaruntaas, kuwaasi oo aaney wax tallaabo ah ka qaadin saraakiisha hoggaamisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia