Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Axad, April 27, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Xarunta Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday.

Dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu geysay dhimashada afar ruux oo rayid ah iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaasi oo uu ku dul-habsaday mid ka mid ah madaafiicdii ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.

Afarta Ruux ee geeriyootay oo deganaa meel u dhow Xarunta Villa Baydhabo ayaa waxay seddex ka mid ah yihiin isku qoys, halka qofka afaraadna uu ahaa qof qoyskaas qaraabo la ah oo xalay kaliya la hoyanayay.

Dagaalka labada dhinac dhexmaray oo la isugu adeegsaday hub culus oo isugu jiray Madaafiicda garbaha laga tuuro ee Baasuukaha, Hoobiyayaasha iyo weliba kuwa Lidka Diyaaradaha ayaa daryankooda waxay hurdada ka toosiyeen Dadka ku dhaqan Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadaha u dhow Xarunta Villa Baydhabo ee weerarka lagu qaaday.

Marka laga soo tago afarta ruux ee rayidka ah ee dagaalkii xalay ku dhintay waxaanan dhinaca kale la ogeyn khasaarihii soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay, kuwaasi oo aan khasaaraha soo gaaray la ogaan karin sabab la xiriirta iyadoo xiliga uu dagaalka dhacay uu ahaa xili habeen ah.

Ugu dambeynta xaaladda xaafadaha u dhow Xarunta Villa Baydhabo ayaa saaka waxay tahay mid degan, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqyada Dadka Gaadiidka iyo Ganacsiga Degmada Wadajir, iyadoo aysan jirin wax howlgallo ah oo ay sameynayaan Ciidamada Dowladda ee xalay weerarka lagu qaaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia