Axad, April 27, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa habeenkii xalay ahaa waxay markii seddexaad la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelada Dhexe.
Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiid dagaal oo aad u tiro badan ayaa waxay magaalada soo galeen xalay kadib markii ay habeen hore magaaladaas isaga baxeen Ciidamadii Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadibna ay shalay waqti kooban ka talinayeen magaalada Ciidamo Madani lagu sheegay oo kuwo Beeleed ahaa.
Intii aysan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka xalay soo gaarin magaalada Jowhar ayaa magaalada waxay gashay xili kala-guur ah oo uu meesha ka baxay maamulkii ka talinayay, isla markaana ay yimaadeen ciidamo kale oo madani ah, kuwaasi oo ku guuleysan waayay in ay ammaanka sugaan sababtoo ah waxaa magaalada dhac ka geystay kooxo hubeysan, kuwaasi oo la sheegay in ay dad gaaraya 10 ruux ka qaateen Taleefoonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in haatan ay xaaladda magaalada degan tahay, isla markaana ay Ciidamadii Maxkamadaha howlgallo u aadeen deegaano u dhow dhow Degmada Jowhar oo looga soo sheegay Kooxo Burcad ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii seddexaad oo ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar, iyagoo sidoo kalena horay ula wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo haatan maamul la’aan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia