Maamulka Gobolka Bay oo xalay qadka Isgaarsiinka ka jaray Magaalada Baydhabo

Axad, April 27, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu amar ku bixiyay in gebi ahaanba hawada laga saaro adeeg Isgaarsiineed oo ay magaalada siin jireen Shirkadaha Hormuud, Telcom iyo NationLink.

Sababta loo joojiyay adeegga Isgaarsiineed ee shirkadahaas ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ku sheegay in ay la xiriirto wada shaqeyn la’aan u dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Maamulkiisa, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego nooca ay tahay wada shaqeynta ay diideen Shirkadahaas.

Markii xalay la joojiyay Adeeggii Isgaarsiineed ee ay Shirkadahaas hayeen ayay mar kale indhaha isku qabatay Magaalada Baydhabo, waxayna gashay go’doon KMG ah, waayo dadka ku sugan fursad uma heysan in ay helaan adeeg isgaarsiineed, sidoo kalena magaalada bannaankeeda ama dibadda lagama soo wici karin dadka ku sugan gudaha Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in haatan ay shaqeynayaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee xalay shaqo joojinta lagu sameeyay, iyadoo la sheegayo in uu arrinta soo galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo amar ku bixiyay in xayiraadda laga qaado shirkadahaas.

Dhanka kalena, Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, kaasi oo lagu qarxiyay nawaaxiga Hotel lagu magacaabo Caalami oo gudaha Magaalada ku yaala, kaasi oo la sheegay in ay degan yihiin qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxaas, waxaana jira warar sheegaya in qaraxaas loola dan lahaa gaari ay Ciidamo Boolis ah wateen oo marayay nawaaxiga Hotelkaas, halka ay jiraan warar kale oo sheegay in qaraxa uu ahaa mid loola dan lahaa Xildhibaannada Hotelkaas degan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia