Axad, April 27, 2008(HOL): Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaanahan safar ugu maqnaa Dalka Mareykanka ayaa haatan wuxuu gaaray Magaalada Lodon ee Dalka Britain.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed C/rashiid Aadan Seed ayaa sheegay in madaxweynaha uu London u joogo dhowr arrimood oo isugu jira shaqo iyo baaris caafimaad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in madaxweynaha uu kulamo la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Britain, kadibna Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain ku dhaqan, iyadoo sidoo kalena uu mari doono baaris caafimaad oo uu isku sameyn jiray markii cabaar joogaba.
C/rashiid Seed oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in marka uu madaxweynaha dhameysto booqashada London uu u socdaali doono dhinaca Dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku tegayo martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy.
Ergayga Madaxweynaha oo dhinaca kalena ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in kulamada uu madaxweynaha la qaadanayo madaxda Britain iyo Faransiiska ay yihiin kuwo ku saabsan sidii ay Dowladahaas gacan uga geysan lahaayeen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Sugidda Ammaanka, Dib u dhiska, La-dagaalanka Burcad Badeedka iyo weliba arrimo ku saabsan gargaarka Bani’aadannimada.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Mareykanka wuxuu uga soo qeybgalay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York shir ay halkaas ku yeesheen Golayaasha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo ka wada hadlayay mideynta qorshayaasha ku aadan xal u helidda mushkiladda ka taagan Qaaradda Afrika, isagoo kalena ka qeybgalay kulan ay halkaas ku yeesheen Madax dhowr ah oo ka socotay Qaaradda Afrika, gaar ahaan Dalalka Afrika ee ay Mushkiladaha ka taagan yihiin, iyadoo socdaalkiisii Mareykankana uu ka dambeeyay martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Koofur Afrika Thabo Mbeki oo shirkaas guddoominayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia