Maxamed Dheere oo Culumaa’udiinkii lagu dilay Masjidka Al-Hidaaya ku eedeeyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
Axad, April 27, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu shaaca ka qaaday in culumaa’udiinkii dhawaan lagu dilay masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa ku yaala ay dilkooda ka dambeeyeen Xoogagga Al-Shabaab.

Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Shiikh Saciid Yaxye oo ka mid ahaa Culumaa’udiinkii Masjidkaas lagu dilay uu ahaa qofkii ugu horeeyay oo ay dileen Xoogagga Al-Shabaab.

“Markii laga itaal roonaaday ayay u carareen dhinac Masjidka, kadibna waxaa ka horyimid Shiikh Saciid Yaxye oo ku yiri Masjidkan hub lalama galo, mid ka mid ah Kooxihii hubeysnaa ee cararayay ayaana xabad ku dhuftay Shiikha Alle ha u raxmadee”ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray in ay sidoo kale masjidka gudahiisa ku daadiyeeen qori gacmeed aad u badan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay haatan baaritaanno wadaan Ciidamada Dembi-baarista Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay su’aalo weydiinayaan Arday 50 Ruux gaareysa, kuwaasi oo wax ka baran jiray Masjidka Al-Hidaaya, “Markii uu baaritaankaas soo dhamaado ayaa Saxaafadda iyo Caalamka loo soo bandhigi doonaa xaqiiqda jirta”ayuu yiri Maxamed Dheere oo gaashaanka ku dhuftay in ay Ciidamada Itoobiya ka dambeeyeen dilkii xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa loogu geystay Dad Rayid ah oo isugu jiray kuwo guryahooda ilaashanayay iyo Culumaa’udiin ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Hidaaya.

SI kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka uu sii daayay Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Hay’ado Caalami ah oo u dooda Xuquuqda Aadanaha ay cambaareeyeen falkii ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya, sidoo kalena ay bannaanbaxyo arrintaas lagu cambaareynayo ay ka dhaceen Magaalooyinka Mombasa iyo London ee Dalalka Kenya iyo Britain.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia