Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo maanta hakad u galay sabab la xiriirta digniin loo jeediyay Sariflayaasha Lacagaha Qalaad

Isniin, April 14, 2008(HOL):  Waxaa maanta gebi ahaanba xirnaa inta badan goobaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha  haba ugu badnaadeen kuwa Sariflayaasha lacagaha qalaad.

Sababta keentay in la xiro goobaha ganacsiga ayaa waxaa sabab u ahaa iyadoo uusan sal fadhiyo lahayn beryahan dambe qiimaha Sarifka Doollarka oo inta badan ay ganacsatadu ku jaan-gooyaan ganacsigooda iyo iyadoo shalay gelinkii dambe warqado digniin ah lagu dhejiyay qeybta Sarifka ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo sariflayaasha loogu sheegayay in aysan sarifi karin boqolka Doollar wax ka badan 1,500,000 Sh. So.

Xirnaashaha goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho oo inta badan Suuqyadeeda kale ay ku xiran yihiin Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kalena looga hadlayay arrintan meelaha ay dadka isugu yimaadaan iyadoo dadka ay si weyn u soo dhaweynayeen in sariflayaasha loo helo cid tallaabo ka qaadda.

Sariflayaasha Lacagaha Qalaad ee Warqadaha Digniinta ah loo dhejiyay ayaa waxay sheegeen in aysan macquul ahayn in ay qaataan digniinta la siiyay, waxayna sheegeen in aysan 1,500,000 ku bixin karin  Boqol Doollar oo ugu fadhida 3,000,000 Sh. So.

Warqadahan digniinta ah ee loo daadiyay Sariflayaasha Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maalmahan uu aad sare ugu sii kacayay qiimaha raashinka quutul-daruuriga ah, iyadoo qiimo kororkaasina uu si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha badan lahayn ee manaafacaadsada wixii ay maalintaas soo shaqeystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia