Fariisimo ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Burundi iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo xalay la weeraray

Isniin, April 14, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa waxaa weerar lagu qaaday fariisimo ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Ciidamada Burundi ee magaca Amisom uga howlgelaya Magaalada Muqdisho.

Fariisimada ay Ciidamadaas ku sugnaayeen oo kala ah Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley iyo Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed oo ay Ciidamada Burundi ku sugan yihiin ayaa waxaa weerarro is-xigay ku qaaday kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogtitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya.

Weerarka hore oo lagu qaaday Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ayaan ilaa iyo haatan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, marka laga reebo in ay dadka deegaankaas ku dhaqan ay si weyn u qalqal gelisay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle Cali ayaa sheegay in kooxihii weerarka ku soo qaaday ay dib isaga noqdeen kadib markii sida uu yiri ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadii Saldhigga joogay.

Weerar kale oo midkaas ku xigay ayaa waxaa xalay lagu qaaday Ciidamada Burundi ee ku sugan Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, waxaana halkaasi laga maqlayay rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo ay isku ridayeen Ciidamada Burundi iyo kooxihii soo weeraray.

Lama sheegin sidoo kale wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay, sabab la xiriirta iyadoo uu xiliga habeen ahaa iyo halka ay ku taallo Jaamacaddii Umadda oo haatan ah meel aysan dad rayid ah deganeyn.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo bishan gudaheeda lagu qaado fariisinka ay Ciidamada Burundi ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, dhawaan ayay ahayd markii halkaas lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Nin naftiisa soo huray oo ka tirsanaa Xoogagga Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/Casiis Bishaar C/llaahi, waa sida uu sheegay Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia