C/LLAAHI SHAAC-SHAAC: “Seddex sababood dartood ayay u soo xoogeysanayaan Dagaallada ay Al-Shabaab iyo Maxkamadaha ku qaadan fariisimada Dowladda”

Isniin, April 14, 2008(HOL):  Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaac-shaac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyay weerarro ay xalay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ay ku qaadeen saldhigyo ciidan oo Muqdisho ku yaala iyo weerar kale oo Beledweyne ka dhacay.

Shaac-Shaac waxaa uu sheegay in weerarrada lagu qaaday fariisimada Muqdisho ku yaala aysan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamadii ku sugnaa, inkastoo uu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo lagu weeraray deegaanka Galgalato uu sheegay in laga qaatay gaari Dagaal.

Afhayeenka Ciidamada Booliska waxaa uu sheegay in weerarkii ay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay ku qaadeen Degmada Beledweyne lagu gubay Taliska Ciidamada Booliska iyo weliba guriga Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid cadawnimo ah, isagoo intaas ku sii daray in weerarkii xalay lagu qaaday Degmada Beledweyne lagu dilay afar qofood oo seddex ka mid ah ay Ajnabi ahaayeen, kuwaasi oo wax ka dhigayay Dugsi ku yaala Beledweyne.

Dhanka kalena, C/llaahi Shaac-shaac waxaa uu sheegay in Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab ay la soo baxeen dardar xoog leh, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay awooddaas ku heleen seddex sababood oo uu ku kala sheegay In Dadka Soomaaliyeed ay qabaan dareen ah in dalkooda la heysto, isla  markaana aan la ogeyn waqti la yaqaano oo ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya, in ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay Dadka ka dhaadhiciyeen sida uu u yiri Borobogaando ay ugu sheegayaan in ay Ciidamada Dowladda dadka dhacaan, iyadoo markaas kadibna ay Dad badan oo Dalka Dibaddiisa ku dhaqan ay dhaqaale ku soo taageeraan iyo in ay heystaan kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ganacsato aan rabin wax nidaam iyo Dowlad ah.
 
Hadalkan uu sii daayay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo  maalmahaan ay sii xoogeysanayeen weerarrada ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay ku qaadayaan gobollo ay ka taliyaan maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka, isla markaana ay la wareegayeen gacan ku heynta Degmooyinka ay maamulladaas ka taliyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia