Kooxo hubeysan oo xalay la wareegay gacan ku heynta Beledweyne, halkaasna ku dilay macalimiin Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray

Isniin, April 14, 2008(HOL): Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa saacado kooban la wareegay gacan ku heyta magaalada Beledweyne,  kadib markii ay weerar aan la kulmin wax iska caabin ah ku soo qaadeen xarumaha maamulka Gobalka Hiiraan ee Magaalada Beleweyne.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa markii dambe gudaha u galay Dugsi lagu barto luuqadaha oo lagu magacaabo HICAP English School kaas oo ay ku dileen Seddex macalin oo Ajnabi ah iyo Maamulihii Dugsiga . Macalimiinta la dilay ayaa labo ka mid ah waxaa ay u dhasheen Dalka Kenya, halka midka kalena uu u dhashay Dalka Britain

Kooxaha hubeysan ee la wareegay gacan ku heynta Degmada Beledweyne ayaa intii ay ku sugnaayeen Degmada waxaa ay dab qabadsiiyeen Guriga Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Daba-geed, sidoo kalena waxay gubeen gaari dhex yiilay Saldhigga Degmada.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ka maqnaa gurigiisa xiliga ay gudaha u gelayeen Kooxaha Weerarka ku soo qaaday, wuxuuna gelinkii dambe ee shalay uu u amba baxay dhinaca deegaanka Kala-beyr halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamado ka tirsan kuwo Dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale, waxaa saakay xilalkoodii iska casilay qaar ka mid ah Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Degmada, kadib markii sida ay sheegeen ay la soo daristay xaalad Nabad-galyodarro. Mas'uuliyiinta is-casishay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-geenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobalka Hiiraan Abuukar Xasan Arwaax, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Dhaqaalaha ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Maxamed Keynaan Xooshow, iyo weliba Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Siyaasada Degmada B/weyne Ibaarhim Rashiid Cabdi xasan.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxay tahay mid aanu wax maamul ah ka jirin, waxaana si iskood ah isu maamulaya Dadka Degmada ku dhaqan, kuwaasi oo saaka howlahooda si caadi ah u wata iyagoo aana arkeynin cid maamulkii gobolka ka socota.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia