Bambo lagu tuuray Shineemo ku taala Degmada Marka oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Isniin, April 14, 2008(HOL): Afar ruux ayaa geeriyootay, in ka badan 10 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib Shineemo ay ku jireen oo ku taala Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose xalay Bambo gacmeed lagu tuuray.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhalinyaro u badnaa ayaa waxay daawanayeen Shineemo ku taala bartamaha Magaalada Marka, taasi oo lagu magacaabo Shineemo Alaalax.

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa Shineemada isugu tegay Waalidiintii iyo Ehelladii dadka ay waxyeellada soo gaartay iyo weliba kuwo baadigoobayay caruurtooda, kuwaasi oo la arkayay iyagoo aad ugu mashquulsan sidii ay nolol iyo geeri u heli lahaayeen caruurtooda.

Waxay ahayd markii ugu horeysay oo Shineemo ku taala Magaalada Marka lagu weeraro Bambo Gacmeed, isla markaana ay dad ku dhintaan, kuwo kalena ay ku dhaawacmaan, inkastoo shineemooyin ku yaalay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Bambooyin lagu weeraray.

Dhawaanahan ayaa waxaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho iyo Gobollada kale ee la deriska ah kooxo Shineemooyinka Bambooyin ku tuura, kuwaasi oo ka soo horjeeda in shineemooyinka la daawado.

Magaalada Muqdisho haatan kama jiraan shineemooyin ay dadku daawadaan, waxayna taasi dhacday kadib markii shineemooyin dhowr ah la weeraray, halka kuwo kalena milkilayaashii lahaa loo geeyay warqado digniin ah oo loogu sheegayo in ay Shineemooyinkooda xiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia