Isniin, April 14, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ciidamadooda ay xalay weerarro ku qaadeen magaalooyinka Cadaado, Beledweyne iyo Seddex fariisin oo ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
“Mujaahidiinta waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay weerar ku qaadeen shan saldhig oo ay deganaayeen Ciidamada cadawga, waxayna kala ahaayeen meelaha ay weerareen Cadaado oo markii ay Mujaahidiinta galeen ay isaga carareen kooxihii joogay, Beledweyne ayay galeen Mujaahidiinta oo ay ku gubeen Saldhig ay Ciidamada dabadhilifka ku sugnaayeen, weerarradii kale oo ka dhacay Muqdisho-na waxay ka kala dhaceen Saldhigga Galbeed, Jaamacaddii Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada Burundi iyo Galgalato oo ay Mujaahidiintu gaari dagaal ku qabsadeen”ayuu yiri Shiikh Mukhaar Roobow Abuu Mansuur oo qadka Isgaarsiinta Shir jaraa’id ugu qabtay Wariyayaal ku sugan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa intaas kadib wax laga weydiiyay waxa uu kala socdo in ay Ciidamadooda Beledweyne ku dileen Afar Ruux oo seddex ka mid ah Ajaaniib ahaayeen, halka ruuxa kalena uu Soomaali ahaa, wuxuuna yiri “Annagu ma dilno cid aan hubeysneyn, laakin waxaan idiin sheegayaa in meesha dadkaas la dilay ku jireen laga soo toogtay Ciidamada Mujaahidiinta, kadibna rasaas ay Ciidamadeena ku jawaabeen ay ku dhacday”.
Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aysan dagaalladaas wax dhibaato ah ka soo gaarin Ciidamadooda, isla markaan ay ku guuleysteen howlgalladii ay fuliyeen.
Dhanka kalena, Abuu Masnuur waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ururkooda uu ka dambeeyo Warqado shalay Suuqa Bakaaraha lagu daadiyay oo Sariflayaasha loogu sheegayay in aysan boqolkii Doollar sarifi karin wax ka badan 1,500,000 Sh. So, halka uu maalmihii tegay sarifka boqolkii doollar uu ka ahaa 3,000,000 Sh. So
“Annaga Warqado ma daadino, waxaana warkeena ku gudbinnaa bog aan leennahay, afhayeen-na waan leenahay, marka waxaan leeyahay dadka warqadahaas daadiyay waa kuwo been abuur sameeyay oo doonaya in ay magaca Shabaab wax ku sameeyaan”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sicir bararka ka jira Soomaaliya ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya.
“Sicir bararka waxaa ka dambeeya kuwa Dowladnimada sheeganaya iyo Dowladda Itoobiya oo doonaya in la qiimo-tiro Shilinka Soomaaliga, kadibna ay Dadka Soomaaliyeed isticmaalaan Birta Itoobiya”ayuuna yiri Abuu Mansuur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia