Axad, April 13, 2008(HOL): Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Md.Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa ku dhaawacmay shil Baabuur habeenimadii habeenkii Jimcaha, ka dib markii gaadhigii uu watay kula dhacay duleedka magaalada Berbera, wakhtigaasoo uu ka yimi dhinaca magaalada Burco kuna soo jeedey magaalada Hargeysa.
Md.Cabdi-xaliim ayaa la sheegay in uu shilkaasi ka soo gaadhay dhaawac fudud, haseyeeshee waxa burburay gabi ahaantiiba gaadhigii uu watay, waxaana loo soo qaaday dhinaca Hargaysa.
Waxa Md.Cabdi-xaliim in mudo ah ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer halkaasoo uu ka waday hawlihhii gurmadka qaranka Biyo dhaamiska ee loogu talagalay goobaha biyo la’aantu ka taagan tahay, Isagoo si hawl karnimo iyo dadaal badan uga qaybqaatay gaadhsiinta gurmadka biyaha dadka tabaalaysan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland