Axad, April 13, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuray ku qaadeen fariisin ay Ciidamo Boolis ah ku leeyihiin Xarunta Laanta Horseed ee ku dhex taala Suuq Bacaad oo ah Suuqa Labaad ee Magaalada Muqdisho.
Weerarkan Bambaano ayaa waxaa uu sababay dhimashada askari ka tirsan Ciidamadii Xaruntaas ku sugnaa iyo dhaawaca mid kale, waa sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidamada Booliska ee fariisinkaas ku sugan Maxamed Raage Fiidow.
Maxamed Raage Fiidow waxaa uu sheegay in aysan wax jawaab ah ka bixin bambooyinka lagu soo tuuray marka laga reebo in uu rasaas cirka u riday askari ka tirsan taliskooda oo xaadfaddiisa ka soo socday.
Ma ahayn markii ugu horeysay oo weerar bambaano lagu qaado ciidamada ku sugan xarunta Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo weerarro bambaano lagu qaaday.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Raage Fiidow waxaa uu sheegay in ay wadaan baaris ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay weerarkii bambaano ee xalay lagu qaaday fariisinkooda, wuxuuna sheegay in marka uu baaritaanka u soo dhamaado ay ka warbixin doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia