Axad, April 13, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay dhac u geysteen Xarunta ay Xawaaladda Qaran Express ku leedahay Magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolkaas.
Madaxa Laanta Xawaaladda Qaran ee Degmada Jowhar Ibraahim Xaaji Caddow ayaa sheegay in mid ka mid ah seddex askari oo u soo galay Xafiiskiisa uu qaatay Lacag ku dhow 15 Kun oo Doollar oo isugu jirtay lacag loo dhiibtay iyo mid ay Xawaaladda ku shaqeyneysay.
“Aniga oo xafiiskeyga jooga ayaa waxaa ii yimid seddex askari oo ka tirsan Ciidamada maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadibna waxay igu amreen inaan xafiiska ka soo baxo oo aan raaco, iyagoo ku andacoonayay in dacwo la ii heysto, kadibna mid ka mid ah askartii ayaa xafiiska galay oo qaatay lacagtii”ayuu yiri Ibraahim Xaaji Caddow oo sheegay in uu si wanaagsan u garanayo askarigii lacagta ka qaatay.
Madaxa Xawaaladda Qaran Express ee magaalada Jowhar Ibraahim Xaaji Caddow waxaa uu sheegay in aysan jirin dacwo loo qabay, balse ay ujeedada ahayd in la dhaco lacagta taalay xarunta Xawaaladda Qaran ee Magaalada Jowhar.
Ibraahim Xaaji Caddow waxaa uu intaas ku daray in uu xiriir la sameeyay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana ay u sheegeen in ay wax ka qabanayaan dhaca loo geystay, inkastoo uusan sheegin mas’uuliyiinta maamulka ee uu la hadlay.
Magaalada Jowhar ee xarunta ah gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maamulkii ka talinayay waxaa labo jeer kala wareegay gacan ku heynta magaaladaas Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, iyadoo taasina ay keentay in ay madaxdii maamulka ay kala aadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ay haatan ku kala sugan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia