Shiikh Shariif iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Dalka Jabuuti

Cabirka Farta

Axad, April 13, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee xarunta u ah Dalka Jibouti ayaa sheegaya in maanta uu magaaladaas ku sii jeedo wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa la sheegay in uu Jibouti u tegayo wada hadallo uu la yeelanayo Dowladda Jabuuti oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya ka taagan, iyadoo sidoo kalena ay suurtagal tahay in ay Jibouti isku arkaan qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye oo ku sugan Dalka Jibouti.

Shiikh Shariif  Shiikh Axmed ayaa dhawaan wuxuu Magaalada Nairobi u tegay Wada hadallo ku saabsan xal u helidda Soomaaliya oo uu la yeeshay Qaramada Midoobay iyo Wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaasi oo ay  isla soo qaadeen sidii xal waara oo wada hadal ku yimaada loogu heli lahaa Soomaaliya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markii ay u soo idlaadeen kulamadaas kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in la xaliyo dhibaatada Soomaaliya, isagoo weliba caddeeyay in uu dhici karo kulan dhexmara dhinacooda iyo dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaanna waxaa dalka Jibouti booqday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde iyo Wafdi uu hoggaaminayay, kaasi oo kulamo la qaatay madaxweyne Dowladda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha sheegay in ay Madaxweyne Geelle isla soo qaadeen arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo nabdeynta Soomaaliya, isagoo intaas ku sii daray in ay Jibouti garab taagan tahay Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Jibouti ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u dhexdhexaadin lahayd dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo sanad ah ka socday dalka Soomaaliya

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia