Axad, April 13, 2008(HOL): “Dadkayga waan tilmaamayaa, saddex qaab ayaa loo mudaharaadaa, hadaynu is nidhaahno imikay ciyaal iyo balaayo kacayaan oo laysla boobayaa. Hadaynu nidhaahno maalinta caynkaas ah meheradaha ha la xidho oo yaynaan shaqaynin, gaadiidku yaanu shaqaynin oo aad dareenkiina muujisaan. Haddii taa la waayo, degmo waliba ha u baxdo deegaankeeda xaga miyiga. Ta saddexaad sidii reer Hindiya Laamiyada ha lagu fadhiisto aamusnaan. Marka, saxaafada dunidu wax idinka qorto oo aad ku tidhaahdaan xukuumadani taanu u dooranay inay horumar dalka iyo dadba gaadhsiiso maaha, xukuumadaanu soo dooranay maaha inaad tidhaahdaan ayaa loo baahan yahay oo dareenkiina muujisaan, oo ku muujisaan si nabadgelyo ah.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, oo ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Xildhibaan Siciid oo daba joogay dhawaaq ka soo yeedhay labada Wasiir ee Maaliyada iyo Hawlaha guud ee Somaliland, waxa uu ku eedeeyay masuuliyiintaasi inay gabeen hawshii loo igmaday, Islamarkaana ay xukuumadu u hor ordayaan meel aan looga fadhiyin. “Cawiloow xisaab-xidh lagaama hayo, miisaaniyad lagaama hayo. Qaranka hantidiisii oo dhami account-kaag ayay ku dhacdaa, hadday khasnada dawlada ku dhacdo waanu arki lahayn, xilkaagu waa kaase ka hadal. Madaxweynaha umadu dooratay adigu abaan ha u noqonin, adiguna Siciidow SNM rajiib bay la dagaalantay, rajiimku cid walba wuu lahaa, reer Hargeysuu lahaa, reer Berbera ayuu lahaa, reer Burco ayuu lahaa, nidaam baa lala dagaalamayay.
Laakiin, reer Boorama iyo SNM may dagaalamin, reer Laascaanood iyo SNM may dagaalamin, yaan dadka la jiho habaabin,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanku waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu ku eedeeyay xukuumada maanta talada dalka haysa inay ku fashilantay shaqadii bulshadu u igmatay.
“Waxaan umada u sheegayaa, muddo Laba sano ah ka hor 38 qodob oo Distoorka ah ayaa jabsanaa xiligaa, iminkana maxaad umalayn. Waxaan leeyahay dadweynow Ilaahay baa inoo keenay inuu Daahir Rayaale Madaxweyne inoo noqdo, Ictiraafka Gaal inooma hayo, Rayaalena inooma hayo. Haddii aynu raacno wixii xaqa ahaa oo tilmaamno waynu heli, haddii aynu dulliga aqbalana, anigu waxaan qabaa inaynaan ictiraaf helayn” ayuu mar kale yiri, waxana uu hadalkiisa ku soo gunaanaday. “ Waxaan hadalkayga kaga baxayaa Golaha Guurtidu xisaabtooda Ilaahay bay hor-taalaa. Golaha Wakiillada waxa curyaamiyay Golaha Guurtida oo leh Maxkamada Sare iyo Madaxweynaha, oo waxaanu u soo gudbino oo dhana halkaa igaga rid oo hoosta dhigaya.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland