Ciidamo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan iyo Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka oo halkaas isaga baxay

Cabirka Farta
Axad, April 13, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa Subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay dhinca wadada isku xirta Degmada Buula-burte iyo Magaalada Beledweyne kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo Buula-Burte joogay ay u dhaqaaqeen dhinaca Gobolka Shabeelaha Dhexe.
 
Ciidamada Itoobiya ee u anba baxay Degmada Buula-burte oo ka tagay Deegaanka Janta-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa la filayaa in ay sii maraan deegaano dhowr ah Sida Deegaanka Halgan oo ka mid ah goobaha sida weyn loogu tuhun sanyahay in ay fariisin ku leeyihiin kooxaha ku kacsan Dowlada Federaalka.
 
Lama oga in Ciidamada Itoobiya ee u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buula-burte ku sii hakan doonaan Degmada iyo in kale, iyada oo dhan kale Deegaanka Janta-kuundisho ay soo gaareen Ciidamo ka soo talaabay dhinaca Xadka dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Degmada Feer-feer.
 
Wararka laga helayo Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan oo maalmihii ugu danbeeyay ku jirtay marxalad is bad-badal badan ayaa sheegaya in hadda aysan jirin cid si dhab ah u maamusha,  waxaana halkaas isaga baxay Ciidamada Maxkamadaha ee dhawaan soo galay kadib markii ay maqleen wararka ku saabsan in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray dhaq-dhaqaaq Ciidamada Itoobiya ka wadeen Xadka ku dhirirsan Goballada Dhexe Soomaaliya kuwaas oo qeybo badan gudaha u soo galay, sida Degmada Cadaado ee Gobalka Gal-gaduud oo ay gaareen Ciidamado Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay dhinaca Xadka,  halka Gobalka Hiiraan qeybo ka mid ah Ciidamadu gudaha u soo galeen.
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin kooxaha la sheegay in dhawaan mar kale ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buula-burte,  waxaa sidoo kale xusid mudan in maalmihii aynu soo dhaafnay wax howl ah aysan ka socon Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo aysan soo xaadirin Mas'uuliyiintii sar sare ee Maamulka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, marka la eego dhaq-dhaqaaqyada ka jira qeybo badan oo ka mid ah Goballada dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa muuqneysa in Ciidamada Itoobiyaanku ku dadaalayaan sidii ay gobollada dhexe uga saari lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda federaalka iyo joogitaankooda dalka Soomaaliya, inkastoo hadana la oran karo arinku ma aha mid si fudud ku soo dhamaan kara.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia