12/12/2018
Today from Hiiraan Online:  _

Opinion - Frikado

More Articles

Wararka Maanta-Axad, Luulyo 8, 2012

Axad, July 08, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Axad ah in hay'adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Sabti, Luulyo 7, 2012

Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Jimco, Luulyo 6, 2012

Jimco, July 06, 2012(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Khamiis, Luulyo 5, 2012

Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hay'adaha Save the Children ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah ku sheegtay in boqolaal kun oo Soomaali ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ba'an oo Soomaaliya ku wajahan, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan di'i lahaa.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Arbaco, Luulyo 4, 2012

Arbaco, July 04, 2012-Mas’uuliyiin Isboorti iyo Ciyaartoy ka socda dalka Soomaaliya ayaa ka qeybgeleysa tartanka Olombikada Adduunka oo 27-ka bishan ka furmi doona magaalada London ee dalka Britain.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Talaado, Luulyo 3, 2012

Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Raas-kambooni oo ka dagaalanta gobollada Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raas-kambooni iyo militariga Kenya ay hadda ku jiraan diyaar-garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Isniin, Luulyo 2, 2012

Talaado, July 03, 2012(HOL): Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay DAL MASIIBO DABBAASHAY DAREEN HOY U AHAADAY ayaa lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Warkii oo dhan



Contact: [email protected]