4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shaqsiga Sannadka 2020 ee HOL:Dr. Fowsiya Abiikar Nuur


Tafatirayaasha Hiiraan Online
Monday, January 11, 2021

Tafaftirayaasha Hiiraan Online waxy si wadajir ah isugu raaceen in wasiir Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ay noqotay Shakhsiga Sanadka 2020 ee Hiiraan Online. Waana markii ugu horreysay ee Hiiraan Online iyo Amiin Arts ay sida wada-jir ah ugu doortaan Dr. Fawsiya Abiikar in ay noqoto shaqsiga sannadka ee 2020.

Go'aanka HOL ee Dr. Fowsiya Abiikar lagu huwiyay maamuuskaan sare waa mid si waaqici ah uga turjumaya shaqadii iyo fir-fircoonidii tusaalaha ahayd ee ay uga falcelisay ladagaalanka cudurka dilaaga ah ee COVID-19 ee adduunku wali la daalaa dhacayo; kaasoo sabab u noqday dhimashada ku dhawaad laba(2) milyan, haleelayna ama soon riday dad ka badan (90) milyan, curyaamiyayna dhaqaalihii adduunka.

Markii cudurkan COVID-19  lagu sheegay Soomaliya bartamihii Maarso ee 2020, waxaa gudaha iyo Caalamkaba la soo gudboonaaday baqdin iyo cabsi laga qabo sida Soomaaliya oo dhaqaalaha iyo caafimaadka bulshoba aad u hooseeyo, ay ula falgali doonto iska caabinta caabuqa-19, ayadoo waliba ay markaas jirtay, cunta yari, daadad iyo Ayax asaguna safmareen ahaa.

Ayada oo waqtigaas wadanku la daalaa dhacay caqabado kala duwan ee la xiriira dib-u-dhiska guud ee dalka, ayaa haddana waxaa aad u muuqanaya baahida loo qabo in COVID-19 loo wajaho si muuqata oo loo dhanyahay. Wasaarada Caafimaadka oo ay hogaaminayso  Dr. Fowsiya Abiikar ayaa si taxadir uga hortagtay xakameynta curdurkan dilaaga ah ee COVID-19. Wanaagii iyo taxadarkii wasaaradu ku maamushay kaalmadii ay dibad ka heshay, waxay suura-galisay abuuritaanka goobo caafimaad oo dalka laga hirgaliyay, si loo xakameeyo  cudurka COVID-19.

Talada Wasaarada awgeed, waxaa jiray tillaabooyin aad loogu faa’iiday oo ay dowladu qaaday sida, joojinta duulimaadyadii dibada, joojintii qaadka, xiritaankii dugsiyadii dalka iyo wacyi-galin joogta ahayd oo la xirrata sida ay tahay in bulshadu u dhaqanto, gaar ahaana xaga nadaafada iyo waxkastoo wax u dhimmi kara caafimaadka guud.

advertisements
Sida in badan oo ka mid ah dalaka soo koraya, Soomaliya waxay xoogaa dhawrto ah ee xagga Caabuqa-19 ka heshay wadamo shisheeye iyo hay’ada Caafimaadka ee Adduunka (WHO). Kaalmadas waxaa damac ka galay qaar ka mid ah madaxda dowlada iyo siyaasiyeen lagu sifayn/tilmaami karo qaduucnimo iyo hunguri xumaba. Waxaa madaxdaas ka mid ahaa Ra'iisul wasaarihii  hore Xasan Cali Khayre uu damcay in kaalmadaa ka timid dibadda ee la dagaalanka COVID-19 uu u soo leexsado maamulka xaafiiskiisa. Sidoo kale waxaa cadaadis siyaasadeed uga immaanayey la-taliyayaasha xafiiska R/Wasaare Kheyre oo si toos ah faraha ula galay maamulka dhaqaalaha ee COVID-19. Waxaase arrinkaas quursiga ah gaashaanka ku dhuftay aadna ula dagaalamay  wasiir Fowsiya Abiikar.

Ayada oo Caabuqa -19 uu wali kahater iyo xanuunba ku hayo dalka Soomaaliya, hadana ma tarmin ama kor u ma kicin trida dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19. Tira-koob ay soo saartay wasaaradda caafimaadka bishii November 25keedii ayaa lagu sheegay in dadka qaba cudurka COVID-19 ay ahaayeen 4451, waxaase ka buskooday 3,417.

Dr Fawsiya Abiikar Nuur  oo ku dhalatay magaalada Jowhar ee Soomaaliya, waxay ku dhamaysay iskuulkeedii dugsiga hoose iyo dhexe ee magaalada Muqdisho. Fawsiya waxay ka qalin jabisay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed bishii Febraayo 1985. Kaddib labo sano waxay waxbarasho sare u aaday dalka Talyaaniga, waxay ka qaadatay shahaadada Master-ka ee Maamulka Adeegyada Caafimaadka Istituto Superiore di Sanita 'in Rome, Talyaaniga. Waxay sii diyaarisay PhD Caafimaadka Bulshada, 'l'Universita' Degli Studi di Roma, "La Sapienza".

Fawsiya waxay shaqadeeda ku biloowday Bare Kaaliyeisla Kulliyadda Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed. Waxay ka shaqeysay barnaamijyada tababarka yareynta saboolnimada ee xirfadlayaasha caafimaadka ee dalalka soo koraya ee Rome University-Sapienza iyo Istituto Superiore di Sanita ’. Laga soo bilaabo 2012 ilaa 2016, waxay ka shaqeysay dhinaca caafimaadka iyo xuquuqul insaanka iyadoo lataliye u ahayd Hay'ada Caafimaadka Aduunka (Xafiiska Soomaaliya) iyadoo fulineysa qiimeynta baahiyaha mashaariicdaShaqalaha  caafimaadka, fududeynta howlaha tababarka, kormeerka iyo qiimeynta iyo isku dubaridka mashruuca sharciga caafimaadka bulshada ee Soomaaliya.

Fawziya waxay noqotay Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee Federaalka Soomaaliya bishii Maarso 2017, waxaana bishii oktoobar 2020 mar kale loogu magacaabay Wasiirka caafimaadka.

WAX QABADKII UGU MUHIMSANAA WASIIR FAWSIYA DHANKA HORUMARINTA CAAFIMAADKA:
 
1- Mudnaan siinta shuruucda asalka u ah adeeg bixinta caafimaadka;
Sharciga Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaad Qaranka oo la ansaxiyay.
Hindise sharciyeed lagu abuurayo Hay’adda Qaran ee Xakameysa daawadda (National Medicine Regulatory Authority) oo sugaaya ansixinta  Golaha shacabka.
2- la soo wareegidda iyo maamuulidda labada isbitaal ee De Martino Iyo Banaadir ee magaaladda Muqdishu oo ay ka howl galaan in ka badan 700 oo shaqaale caafimaad.
in ka badan 200,000 oo muwaadiniin soomaliyeed ayaa adeegyo daaween , qaliimo iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah ka helay labada isbitaal ee De Martino iyo Banaadir mdadaii ku dhawaad labada sanno oo ay wasaarada caafimaadka gacanta ku haysay. 

3. Xarumo Caafimaad oo hor leh oo u adeega hooyada iyo dhalaanka oo laga hirgaliyay qeybo badan oo dalka ah iyo qorshaha dayactirka isbitaalada goboladda somaaliya.

4.  Qorsheeynta iyo daah furka “Yoolka Caafimaadka loo dhan yahay” {Universal Health Coverage Roadmap}

5- Dib u eegista xirmooyinka asaasiga ah ee daryeelka caafimaadka (Essential Package of Health Services ) oo balaarin iyo baahinta adeegyada uu ka kooban yahay lagu sameeyay.

6- Damal Caafimaad oo ah barnaamij Daryeelka Cafimaadka asaasiga ah oo u qorsheeysan in dalka intiisa badan laga hirgaliyo.

Dr. Fowsiya Abiikar waxay kaloo ku guuleysatay in soo celiso xiriirki iyo xoojinta wasaaradda iyo guud ahaan dowladda iyo hey’adaha caalamiga ah sida iyadoo soo celisay xubinimadii golaha guud ee Hey’ada Caafimaadka Addunk isla snadkii 2017kina Somaaliya ahayd madaxweyne ku xigeenkii sanaadkaas. Wasiir Fawsiya waxaa 2019 la gudoonsiiyay Abaalmarinta “Premio Minerva Anna Maria Mammolitti” oo la siiyo haweenka Talyaaniga iyo dalalka wax-qabad muuqda ka qabta dalalkooda. 

Aaan u wada hambalyeeyno Dr. Fowsiya Abiikar Nuur hawlaha dhaxal-galka ah ee ay u qabatay qoranka Soomaaliyeed uguna duceyno in ay hawlaheeda habsame u gudato.




 





Click here