4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shaqsiyaadka Sannadka 2010 ee Hiiraan Online

 


Tafatirayaasha Hiiraan Online
Axad, January 02, 2011

Dagaalada dabadheeraaday ayaa sababay nabad-galya xumo ka jirta dalka Soomaaliya ilaa iyo sanndkii 1991. Sannadkan gudihiisa, sida ay sheegeyso hay’adaha Human Rights Watch , waxaa gargaar deg-deg ah u baahan dad gaarayo 3.75 malyuun oo Soomaali ah ayada oo ay kumanaan kala ku qaxeen wadamada dariska la ah Soomaaliya.

 

Dad badan oo ka soo cararay madaafiicda joogtada ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha dagaalaka kula jira ee magaalada Moqdishu ayaa gacmo soo dhaweyn ah kala kulma maamulka Somaliland. Soo dhaweynta dadkaas  ku qaxaya dalka gudhiisa ee loo yaqaano IDPs ayeey Somaliland ku muteysatay u gargaaridda iyo kaalmeynta bare-kacayaashaas. Waxaa sidoo kale xusid mudan in maamul goboleedka Puntland ay xil gaar iska saareen in marti-galiyeen ciyaarihii gobolada oo abuuridoona jawi walaaltinimo.

 

Ayada oo jiraan dad badan oo Soomaali ah oo qayb weyn ka qaatay u gargaaridda dadweynaha dhibaateysan, ayeey wariyaasha iyo tafatirayaasha Hiiraan Online waxay u doorteen Shaqsiyaadka Sannadka 2010 Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Dahir Riyale Kahin sababaha soo socda awgood:

a) Sida habsamid leh ee ay xukunka ula kala wargeen, taas oo aan badanaaba ka dhicin qaaradaan Afrika. Xukun si demoqaraadiyad ah loola kala wareego waxaa Soomaaliya ugu dambeysay maamulkii madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan “Adan Cadde” oo doorasho looga guuleystay ka dibna xukunkii ku wareejiyey madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

b) Doorasho xor ah; 30kii bisha Sebtember ee sannadkii 2009 ayeey xisbiyada siyaasadda ee  Somaliland oo kala ah UDUB,  Kulmiye iyo UCID wada saxiixeen warqad-murtiyeed lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya xisbiyada lana ogolaado natiijada ka soo baxda doorashada. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo ayaa si dimoqaraadiyad ah ugu  guuleystay doorashadaas. Madaxweyne Riyaale ayaa ka dib qirtay in doorashadii lagaga guuleystay xukunkiina ku wareejiyey madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo”

 

Doorashadaas ayaa ah astaan ku dayasho mudan u ah dhammaan dadweynaha geeska Afrika gaar ahaan gobolada kale ee Soomaaliya sida maamulka Puntland oo ay odayaal la soo xulay doortaan madaxweynaha. Doorashad ay shacabku soo doortaan madaxdooda ayaa saldhig u ah nidaamka dimoqaraadiyadda.

 

Shaqsiyaadkii Sannadada (2004-2009) - dhag sii si midka aad rabto inaad aqristo


Hiiraan Online waxay ku ammaaneysaa madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Dahir Riyale Kahin sida wanaagsan ee uu xukunka ugu wareejiyey madaxweynaha cusub mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isaga oo ogolaaday in laga guuleystay Sidoo kale Hiiraan Online waxay ku ammaaneysaa madaxweyne Siilaanyo sida uu ugu sabray mudadii dheereed ee doorashooyinka dib loo dhigay isaga oo doorbiday nabadgalyada iyo xasiloonaanta Somaliland.

 

Qorayaashada iyo tafatirayaasha Hiiraan Online waxay ku dhiirigalinayaan madaxweyne Siilaanyo in qaato tallaabada haboon oo ah in uu mideeyo qaranka Soomaaliyeed isaga oo adeegsanayo waaya-aragnimada uu u leeyahay maamulka iyo darajada madaxtinimada ee Somaliland. Wuxuu maanta haystaa fursad taariikhi ah ee uu uga faa'ideysan karo isaga oo nabadgalyo iyo xasilooni ku soo dabaali kara dhammaan deegaanada Soomaaliya.

 

Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay nala qaybsadaan hambalyada ay Hiiraan Online u direyso labada madaxweyne ee Siilaanyo iyo Riyaal.

 

Wixii fikrad ah, fadlan ku soo dir: [email protected]