Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News



Bahda Hiiraan Online waxaa sharaf u ah ineey Farshaxanistaha Soomaaliyeed ee Amiin Caamir u magacowdo shaqsiga Sanadka ee 2004. Taas oo uu ku muteystay howl karnimadiisa, hufnaantiisa iyo heersare-nimada sawiradiisa aalaaba ku soo baxa Boggan. Amin wuxuu hal sawir ku soo bandhigaa musiibooyin buugaag laga qori karo. Sidaas darteed, wuxuu si sharaf leh ugu qalmaa xulkeena Shaqsiga Sandkan 2004.

Farshaxaniiste Amiin Caamir wuxuu leeyahay hibo uu Alle ugu deeqay. Wuxuu sumcad wanaagsan ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida, meel kasta oo eey joogto. Wuxuu qalinkiisa ku difaacaa Midnimada Qaranka, Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyada Saxaafadda, kuwaas oo dhammaan halis muuqata ku jira.

Sawir gacmeedyadii ugu xusuusta mudnaa sanadkan ee uu Amin Caamir soo bandhigay waxaa kamid ahaa: Munaasabadii 1-da July, Shirkii Nairobi iyo meelihii kala duwanaa ee uu soo maray, Fara galinta Itoobiya, Isu ekaanshaha hogaamiye kooxeedyada iyo nidaamkii Max’ed Siyad Barre, Feerkii ka dhex dhacay Xildhibaanada Nairobi jooga, Hagar daameynta eey xukuumada cusubi kula kacday saxaafadda Soomaalida iyo u xaglinta saxaafadda ajnabiga ah, waxaase ugu awoodda badnaa sawirkii xaaladda Zam Zam Ducale ee Hargeysa ka aloosan. Aalaaba, sawirada Amiin Caamir si shactiro ku dheehan tahay oo hadana dareen buuxa leh ayeey aqristaha u taabataa. Sawiradii ugu dambeeyey ee Amiin Caamir waxaad kala socon kartaa : http://www.aminarts.com

Bahda Hiiraan Online, iyagoo u hambelyeynaya Amiin Caamir ayeey hadana soo jeedinayaan in la aasaaso machad lagu barto Farshaxanka iyo Sawir Gacmeedyada, looguna magac daro Machadka Amiin Caamir ee Daraasaadka Farshaxanka, so loogu sharfo looguna aqoonsido farshaxanimadiisa.

Amiin Caamir iyo qoyskiisaba waxay ku nool yihiin dalka Canada. Fadlan nagala qeyb qaado u hambalyeynta Amiin Caamir.

Home






 

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online