4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shaqsiga Sannadka 2018 ee HOL: Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar)


Tafatiryaasha Hiiraan Online
Saturday, January 05, 2019

Si loo qiimeeyo shaqsiyadda sanadka, waa inaan fahamno xaaladda dhaqan ama fikradeed oo ka jira dunida maanta. Dunida waxaa saameyn ku yeeshey horumarka cilmiga iyo farsamada, kuwaasoo loo adeegsado wanaag (la dagaallanka cudurada, wax soo saarka cuntada iyo xumaanba (hub wax lagu baabi’yo, ku xad gudub, war baahin loo adeegsado faafinta beenta iyo hanka gumeysiga). Somaalida waxaa intaas u dheer, qaran burburey, adeegsiga qabyaaladda, xag-jirnimo diimeed oo wadata nacayb iyo naxaariis darro, ku xad-gudubka muwaadinka Soomaliyeed. Ayadoo la tix-galinayo arrimaha kor ku xusan, HOL waxay u dooratay shaqsiyadda sanadka Mustafe Muxumad Cumar oo loo yaqaan Mustafe Cagjar.

Waqtiga adag ee bulshada Somaalidu  ku jirto, waxaa soo if-baxay sadeex nooc oo indheer-garad: (1) kuwo garashadooda ugu adeegaya xaq-darrada iyo gumeysiga; kuwaasu waxay wax walba ka hor-mariyaan danahooda shaqsiga ah; (2) kuwo ku shaqeytsa aqoontooda si ay u daryeelaan caruurtooda iyo noloshooda. Kuwanu cidna dhibaato uma geystaan waana dad bulshada wax u tara; (3) Waa indheer-garadka runta ah. Indheer-garadka runta ahi wuxuu la saftaa kuwa tabarta yar, wuxuuna ka hor-yimaadaa dhiig-miiradka, gumeysiga iyo ku xad-gudubka xuquuqda bani’aadamka. Mustafe wuxuu ku sifoobey qeybtaan saddexaad. Noam Chomsky oo ah khabiir ku xeel-dheer cilmiga bulshada ayaa wuxuu ku tilmaamay dadka Mustafe  oo kale ah “speak truth to power” (kuwa runta u sheega kuwa awoodda leh), kuwaasoo daaha ka qaada xaaladda bani’aadamku ku sugan yahay.

Hiiraan Online, waxay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), u aqoonsatay shakhsiyada sanadka 2018, kaasoo ku dhiiraday difaaca xuquuqda dadweynaha degaanka Soomaaliyeed oo muddo ku hoos-jirey xukunkii TPLF ee Ethiopia. Mustafe wuxuu si joogta ah uga hor-yimid xaqdarada iyo cadaadiska xukunkii TPLF ku hayey dadweynaha degaanka Soomaaliyeed ee Ethiopia. Arrintaas waxey keentey in xukunkii TPLF adeegsado hanjabaad ku wajahan naftiisa iyo xigtadiisa. Mustafe marna ma joojin halgankii umana  jixin-jixin caga-jugleyntii iyo cadaadiskii xukunkii TPLF. Mustafe wuxuu bixiyey qiimo aad u sareeya, sababtoo ah waxaa la diley walaalkii Feysal waxaana la xirey aabihiis.

Sidoo kale, Mustafe Cagjar marna dheg uma jalaqsiin hanjabaad kasta oo loo soo jeediyay sida  sannadkii 2007, markii Wasiirkii awooda badnaa ee Arrimaha Dibedda, Siyoum Mesfin, uu Mustafe ku tilmaamay nin khatar ku ah ammaanka qaranka Ethiopia, markaasna amray in lala wareego hantidiisii iyo tii xigtadiisaba.

Isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Ethiopia horaantii sannadka 2018 ee uu hogoominayey R/W Abiya Axmed, wuxuu keeney in Mustafe M. Cagjar loo doorto madaxweynaha Dowlad-degaanka ismaamulka Soomaalida.    

Mudane Mustafe, wuxuu soo rogaal celiyay, calankii Soomaalida ee Shanta-Geeska ahaa, ee laga mamnuucay Jigjiga iyo Degaanka Soomaalida 1954, xukunkii Boqorkii Hayle Sillase ee xasuuqay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee diiday inay calankii SYL ka dajiyaan Magaalada  Jigjiga.

Intaas waxaa dheer, in Mustafe soo noolayay qiiradii, halku-dhegyadii iyo heesihii gobonimodoonkii Soomalliyeed sida, “Soomaaliyey Toos”, kuwaasoo Maamuladii isaga ka horeeyey ay ka dhigeen in ay tahay dambi.

Waxaa kale oo muhiim ah, muujinta uu muujiyay, sinaanta iyo cadaalada Shacbiga Soomalida ee degaanka, si looga fogaado siyaasadiihii hore ee kalaqaybinta qabaa’ilka degaanka iyo isku dirka dhexdooda, si looga fogeeyo horumarka bulshada, looguna mashquuliyo dagaal beeleedyo, bulshada kale ee gobolka ka reebay.

Mustafe wuxuu ku hadlaa, waxna ku qoraa, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingriiska iyo Amxaariga. Wuxuuna Eebe ku manaystay todoba carruur ah, wuxuuna halgankiisa gobonimodoon awgiis qax ama musaafiris ka ahaa wadankuu u dhashay mudo 11 sano ah.

Aan u hambalyeeyno Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar uguna duceyno in uu ku guuleysto howsha adag ee uu u hayo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Shaqsiyaadkii Sannadka ee HOL (2004 - 2018)

 



 





Click here