Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si adag u diiday aqoonsi kasta oo Israa’iil siiso Somaliland

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan degdeg ah oo wadajir ah ka yeeshay arrinta ku saabsan aqoonsi ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland, iyagoo si rasmi ah u soo saaray qaraar adag oo ay ku canbaareynayaan tallaabadaas.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi ahayn, ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay dowlad madax-bannaan oo xubin buuxda ka ah Qaramada Midoobay, lehna midnimo, madax-bannaani siyaasadeed iyo wadajir dhuleed oo aan lagu xadgudbi karin.

Baarlamaanka ayaa xusay in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada 1-aad iyo 7-aad, uu si cad u qeexayo in midnimada dalka, dhulkiisa iyo shacabkiisu ay yihiin kuwo aan la kala qaybin karin, isla markaana gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay yihiin qeyb aan ka go’i karin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inuu yahay mid sharci-darro ah, kuna xadgudbaya sharciga caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu bayaankiisa ku adkeeyay in tallaabada Israaqiil ay halis ku tahay nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isla markaana ay khalkhal gelin karto xasilloonida guud ee caalamka.

Qaraarka kasoo baxay kulanka wadajirka ah ayaa si cad u sheegay in aqoonsi kasta oo ay bixiso Israa’iil ama dowlad kale oo ku wajahan Somaliland uusan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana uusan yeelanayn wax saamayn sharciyeed oo caalami ah.

Sidoo kale, Baarlamaanka ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah qaraarkan ugu gudbiso Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika, si loo difaaco madaxbannaanida, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in qof ama hay’ad kasta oo ku xadgudubta qaraarkan lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.