Israa'iil oo soo bandhigtay kullan qarsoodi ah oo la rumaysanyaha in Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkeeda

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Wasaarada Arrimaha Dibadda Israa'iil ayaa baahisay sawir muujinaya Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo la taagan Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, Gideon Sar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, oo isaga laftiisu baahiyay sawirka, ayaa sheegay in sawirada dabaaldegyada ee kasoo gaadhaya Somaliland ay yihiin kuwo muujinaya farxad iyo rajo mustaqbal oo wanaagsan.

"Waanu sii wadi doonaa in aanu wada shaqayno, si aanu u xoojino iskaashiga iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa labadayada qaran iyo dal' ayuu yidhi Wasiir Sar.

Lama oga xilliga uu safarka ku tagay Madaxweyne Cirro waddanka Israa'iil, lakiin waxa la sheegaya in ay u badantahay in uu dhanka Imaaraatka Carabta usii maray, waxanan jirta laba mar oo uu u safray Imaaraatka oo maalmo uu warbaahinta ka maqna, isla markaana muuqiisa la waayay.

Waxa la rumaysanyahay in Madaxweyne Cirro sidan u sameeyay si uu madaxda dowlada Soomaaliya uga qariyo dhaqdhaqaaqyada dibulumaasiyadeed, ee uu ku hawlana, madaama oo ay dhici kartay in dowlada Soomaaliya ay ka hawlgasho isla markaana ay xagaldaaciso dadaaladiisa.

Israa'iil oo ahayd dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland 1960 ayaa markale ku dhiiratay in ay noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada, iyada oo hadda wada dadaalo ay doonayso in dowlada Maraykanku ay sidoo kale ku aqoonsato, inkasta oo uu Trump sheegay in aanu ku degdegi doonin.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri ah yeelanaya kullan lagaga hadlayo aqoonsiga Somaliland, waxayna u badantahay in halkaas ay dood ku dhexmarto Israa'iil iyo dowladaha kasoo horjeeda aqoonsiga ee Soomaaliya ugu horayso.