
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa iska casilay kursigiisii, isaga oo sheegay in uu u dulqaadan waayay cadaawad uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo bulshada uu kasoo jeedo ee Somaliland, isla markaana xusay in Somaliland ay hadda guul gaartay oo ay ictiraaf heshay.
Dubbe oo is casilay kadib markii Somaliland ay ictiraaf ka heshay Israa'iil, ayaa sheegay in markii uu Muqdisho imanayay uu aaminsana midnimada Soomaaliya, isla markaana uu doonayay in dowlad wayn oo Soomaaliyeed la helo, lakiin dowlada Soomaaliya anay daacad ka ahayn.
"Maalintaan Hargaysa ka tagayay waxan haystay guri wayn, laba baabuur iyo shaqo, waxan islaha bal wax isla doon, waxan arkay caqli cadaawada ku jirta ay ka badantahay masuuliyada ku jirta, dabadeedna xukunkii, siyaasadii, xoolihii waxkasta way qaateen" ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Gaylan Media.
Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta Muqdisho ay qaateen xilalkii, isla markaana hadana ay dadkii kusoo rogeen lacago dheeraad ah oo anay qaadi karin oo waxkasta lagu cunaqabateeyay, isaga oo sheegay in uu kula taliyay in dadka loo naxariisto lakiin ay diideen.
"Waxa uu soo gaadhay madaxeeynuhu in uu yidhaa waan kibir jabinayaa, taa waxaanu ka diidnay mid ilaa Badhaadhe ilaa Saylac xukuma, oo boqollaal ciidan ah iyo boqollaal diyaaradood haysta"
Waxa uu sheegay in markii hore ay doonayeen in wadahadal lagu dhameeyo xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo ama la midoobo ama la kala tago, laakiin ay taasi socon wayday imikana Somaliland wado kale u martay aqoonsigeeda kadib cadaadis la saaray isla markaana anay jirin sabab uu usii joogaa.
"Saddex sanadood baan baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa waar dadka reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada" ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay barta Facebook.
Waxa uu sheegay in ay arrintu fogaatay oo maanta anay jirin meel laga soo celiyo midnimada Soomaaliya, isla markaana loo baahanyahay in la kala badbaado uun.