Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan degdeg ah ka yeelanaya aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniinta yeelan doona kulan degdeg ah oo looga hadlayo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo xubnaha goluhu lagu wado inay cambaareeyaan tallaabada ay qaaday Israa’iil.

Israa’iil ayaa tallaabadan ku dhawaaqday Jimcihii, maalmo ka hor inta aan Soomaaliya la wareegin guddoomiyaha Golaha Ammaanka. Bayaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayuu ku sheegay in aqoonsigu uu yahay mid ku yimid ruuxda Heshiiska Abraham,” isla markaana dalalku iska kaashan doonaan “dhaqaalaha, beeraha, iyo dhinacyada horumarinta bulshada.”

Go’aankan ayaa caro ka dhaliyay dhowr quwadood oo goboleed, kuwaas oo Israa’iil ku eedeeyay inay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Israa’iil ayaa hadda noqotay waddanka keliya ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland.

Safirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa Sabtidii bayaan ku sheegay in Israa’iil ay u dhaqmi doonto si mas’uuliyad leh, isla markaana ay sii wadi doonto la shaqeynta saaxiibbada gacan ka geysanaya xasilloonida gobolka.

Bayaan wadajir ah oo ay Sabtidii soo saareen 21 dal oo u badan Bariga Dhexe, Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa diiday aqoonsiga Israa’iil, “iyadoo la tixgelinayo saameynta halista ah ee tallaabo noocan oo kale ah ku yeelan karto nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, iyo guud ahaan nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Sabtidii sheegtay inay weli aqoonsan tahay wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto  Somaliland.