Madaxweynaha Soomaaliya oo Israa’iil ku tilmaamay cadowga ummadda kuna baaqay in la middoobo

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka oo qabtay shir loo dhan yahay, isagoo ka hadlay arrimaha ugu culus ee khuseeya dalka, gaar ahaan mawqifka Soomaaliya ee Somaliland iyo tallaabada Israel ee aqoonsiga dhulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay la kulantay dhibaatooyin badan intii lagu jiray 26-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Israel Netanyahu ay tahay mid aan horey loo arag, kana hor imaanaysa sharciga caalamiga ah. 

Waxa uu carabka ku adkeeyay in gobollada waqooyi ee dalka ay qayb ka yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin faragelin ama cadaadis dibadda ah oo dhanka dhulka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid halis ku ah ammaanka gobolka iyo xasiloonida caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka reer Somaliland aanay horey u aqbalin cadowga ummadda gudaha dhulkooda, isaga oo intaa ku daray: “Maanta waxaad haysataan awood aad ku diidi kartaan, laakiin haddii aanad tallaabo qaadin, berri waxay la imaan doonaan wax ka baxsan awooddiina.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Israel ku tilmaamay “cadowga qaranka,” isagoo ka digay in shacabka Somaliland ay hadda haystaan fursad ay kaga hortagaan in Israel saldhigyo ka sameysato dhulkooda.

"Dowladda Soomaaliya ma aqbali doonto in saldhigyo wadamo kale looga duulo ay Israa’iil ay ka sameeysato dhulka Soomaaliya" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan martigelin doonin qaxooti Falastiini ah oo lagu qasbay in looso raro dalka, isaga oo ku celiyay taageerada dowladda Soomaaliya ee xal dowlad-labo ah iyo dhisidda dawlad Falastiin ah oo caasimadeedu tahay Qudus.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay in la xoojiyo wada-hadalka iyo nabadda, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee looga baahan yahay si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dalka.