Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay ajandaha shirka Kismaayo

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay ajandaha shirka mcuaaradka isugu imaan doonaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay in la helo aragti mideysa mucaaradka Soomaaliya.

Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamay in shirka Kismaayo uu diiradda saarayo in la helo hannaan doorasho oo suurtagal ah, caddaalad ah oo ay bulshada oo dhami ka qaybqaadan karto.

Wuxuu si cad u beeniyay wararka sheegaya in qorshahoodu yahay in ay dhisaan dowlad cusub.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Golaha Samata-bixinta iyo shirka guud ee Soomaalida ay yihiin madallo muhiim ah oo lagu falanqeeyo arrimaha qaranka, isla markaana ka qaybgalayaashu yihiin shakhsiyaad mudan in la dhageysto, lagana faa’iidaysto taladooda ku saabsan dowlad-dhisidda iyo doorashooyinka.

Isagoo ka hadlayay doorashooyinka dowladdu ku qabaneyso Muqdisho ee Golaha Deegaanka, ayuu sheegay in aanay xal u noqon karin waxa uu ku tilmaamay fashilka dowladda ee arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka dib ugu celinayo hubanti la'aan siyaasadeed, isagoo ka digay in haddii dowladdu ku guuldaraysato  doorashooyinka dalka ay adkaan doonto in dalka uu kasoo kabto burburka gaara.