Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Bariga Afrika ee ansixiyay siyaasadda cusub ee Kormeerka iyo Qiimaynta

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Shir saddex maalmood ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa noqday madal lagu qaabeeyay siyaasadda cusub ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) u dejisay Kormeerka iyo Qiimaynta. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka taageeray siyaasaddan cusub iyo qaab-dhismeedka hirgelinteeda.

Shirka oo ay ka qeyb galeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday dalalka gobolka, waxaa Soomaaliya u metelay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Siciid Nuur. Waxa uu madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan dadaallada Soomaaliya ay ka sameysay dhisidda nidaam ku dhisan xog iyo dabagal hufan.

Intii shirku socday, dalalka ka qeybgalay ayaa loo soo bandhigay siyaasadda cusub ee Kormeerka iyo Qiimaynta, oo diiradda saareysa sidii wadajir loogu horumarin lahaa isla-xisaabtanka, dabagalka waxqabadka, iyo hagaajinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha. 

Wufuudda ka kala timid dowladaha gobolka ayaa bogaadiyay ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya iyo aragtiyaha ay soo bandhigtay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo kor u qaaday fahamka ku saabsan dhismaha nidaamyo taageera go’aan qaadasho cad iyo mid maamul oo hufan.

Dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika ayaa ugu dambayn isku raacay in siyaasadda cusub iyo qaab-dhismeedka fulinteeda loo gudbiyo Golaha Wasiirrada ee ururka, si ay u ansixiyaan. Tallaabadan waxaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta iyo xoojinta nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee guud ahaan gobolka.