Puntland oo shaacisay in ka badan 100 xarumood oo Daacish lahayd in la burburiyay

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo ka warbixinayay sanad kaddib howlgalka Hillaac, wuxuu tilmaamay in howlgalka lagu baabi’iyay dhammaan dagaalamaayaashii muhiimka u ahaa kooxda Daacish, isagoo xusay in kooxdu ay lumisay ku dhowaad 85% awooddeedii ciidan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay hubkii, keydkii, iyo warshadihii khatarta lahaa ee ay kooxda u adeegsan jirtay soo saarista walxaha qarxa iyo qorshaynta weerarrada.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in la burburiyay xaruntii ugu khatarta badnayd ee tiknoolojiyadda iyo kiimikada ee kooxda Daacish, taas oo ay ku sugnaayeen khubaro ajnabi ah, kuwaas oo qaarkood si gaar ah loogu soo tababaray howlaha farsamada ee weerarrada.

Muumin Cabdi Shire wuxuu sheegay in Puntland ay waddo dadaal xooggan oo ay kaga hortagayso kooxaha argagixisada, isla markaana ay jiraan waddamo saaxiib ah oo ka caawiyay dhinaca macluumaadka iyo farsamada howlgalka guuleystay.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalladan ay kooxda Daacish geliyeen xaalad sida weyn hoos ugu dhacday awooddii ay hore u lahayd, isla markaana ay ka baaba’day cabsi badan oo ay bulshada ku abuuri jireen.