Senator Ted Cruz oo sheegay in Somaliland ay muhiim u tahay gaadhista danaha Maraykanka ee Afrika

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Dood si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha badda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika oo ka dhacday Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayuu Senator Ted Cruz uu ka sheegay in Somaliland ay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Maraykanka ee badaha iyo la-dagaalanka khataraha ka jira gobolka.

Senator Cruz, oo ka hadlayay fadhiga, ayaa sheegay in goob-joogga juquraafiyeed ee Somaliland—oo ku taalla Gacanka Cadmeed, oo ah marin loo isticmaalo ganacsiga caalamka—ay ka dhigeyso meel istaraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin.

“Somaliland waa lammaane muhiim u ah ammaanka badda Maraykanka ee Afrika… Waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxayna kaalin ku leedahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo budhcad-badeedda,” ayuu yidhi Cruz.

Cruz wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland ay xidhiidh dhow la leedahay saaxiibada Maraykanka ee Taiwan iyo Israa'iil, xilli Shiinaha uu kordhiyay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo ciidan ee qaaradda Afrika.

Senator-ku wuxuu sheegay in Somaliland ay Washington u soo bandhigtay heshiis ciidan iyo kaashiga macdanta muhiimka ah, oo uu  ku tilmaamay inay si weyn uga caawin karaan Maraykanka yareynta saamaynta Shiinaha iyo sugidda ammaanka Badda Cas.

Wuxuu xusay in dhowaan uu warqad u diray Madaxweynaha Maraykanka, isagoo ugu baaqay inuu tixgeliyo aqoonsiga Somaliland, oo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay tubaha ay ku gaadhi karaan istaraatiijiyadaha Maraykanka ee gobolka.

Dhinaca kale, Margaret Nardi, oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha ee Waaxda INL (International Narcotics and Law Enforcement), ayaa sheegtay in inkasta oo barnaamijyo toos ah oo INL ay Somaliland ka fuliso ayna hadda jirin, haddana ay diyaar u yihiin qiimeyn iyo sahaminta fursadaha mustaqbalka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno qiimeyn baahiyaha ah, kana wada shaqayno sidii loo dejin lahaa mudnaanta Somaliland marka ay timaaddo ammaanka badda iyo hirgelinta shuruucda,” ayay tidhi iyada oo u jawaabaysay Cruz.

Dooddan ayaa noqotay mid ka mid ah kuwa ugu cadcad ee si rasmi ah loogu soo hadalqaado doorka Somaliland ee istaraatiijiyadda ammaanka Maraykanka ee gobolka, xilli tartan xooggan uu ka jiro marin-badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Warbixinta Senate-ka ayaa imaneysa iyadoo xiisadaha juquraafiyeed ee gobolku ay sii kordhayaan, halka dalalka waaweyn ay ku loolamayaan saamayn siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan ee marinada muhiimka ah ee dekedaha iyo badaha Bariga Afrika.