
Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay in 20 Urur Siyaasadeed ay soo dhameystireen musharaxiinta kaga qaybgelaysa doorashada Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu soo xirmay hanaankii qabashada ee liiska musharaxiinta.
Waxaa doorashada horaantii sanadkan isku diiwaan geliyay 61 Urur Siyaasadeed, waxaana guddiga doorashooyinka Qaranka uu 24-kii bishii ee sanadkan November ku kordhiyay mudo laba toddobaad ah waqtiga kama dambeysta ah ee ururadu ku soo gudbin karaan xubnaha ku metelaya doorashada, taasoo ka bilaabaneysay 25-kii November, kuna ekeyd 10-kii December oo ku beegneyd Arbacadii lasoo dhaafay.
“Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa inuu xirmay hanaanka qabashada Liiska Murashaxiinta Ururada Siyaasadda, kaasoo ku bilowday 12, kadibna gaaray 18, ugu dambayna kusoo xirmay 20 Urur Siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay Liiska Murashaxiintooda Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka.
Talaabadan ayaa ah ka dhigan in inta badan Ururada Siyaasadda ay ka hareen ka qayb galka doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
Hoos ka akhriso 20 Urur ee sida rasmiga ah uga qeyb galaya doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir:-
