6/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Howlgalka ATMIS oo sheegay inay qeyb ka yihiin dagaalka cirka ee lagu taageerayo ciidamada xoogga dalka
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka qeyb qaadanaya dagaal dhinaca cirka ah oo kooxda Shabaab looga xoreynayo gobolka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgallada militari oo ay safka hore uga jiraan ciidamada ATMIS uu yahay mid lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay uga adkaan Alshabaab.

Warkan ayaa yimid xilli ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degmada Aadan Yabaal oo muddo ka badan 15 sano ay Alshabaab gacanta ku hayaan.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo jihooyin kala duwan kasoo galay Aadan Yabaal ayaa haatan ku sugan deegaano wax yar 10km u jira degmadaas, iyadoo dhinaca kale lagusoo warramayo in Alshabaab saadkooda kala baxeen.

Haddii ciidamadu la wareegaan Aadan Yabaal waxay noqonaysaa mid kamid ah guulihii ugu weynaa ee laga gaaro dagaalka Alshabaab, waxayna Alshabaab luminayaan magaalo istaraatiiji u ahayd joogitaankooda gobolada dhexe, gaar ahaan Shabeellada dhexe.












Click here
12/5/2022 9:52 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaaka Maxada-bannaan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig booliisku u gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah.

12/5/2022 9:36 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

12/5/2022 9:02 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlaayo xal u helida barakaca ayaa sheegay in muhiim tahay waxka qabashada colaadaha iyo isbadalka cimilada oo uu tilmaamay iney yihiin sababaha ugu horeeya ee keena barakaca.

12/5/2022 4:25 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaaray heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

12/5/2022 3:52 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ay ka socdaan deegaanada kala ah Wartadibi samatar iyo Boos Caduur oo ah deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal.

12/5/2022 3:31 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.

12/5/2022 2:39 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

12/5/2022 1:41 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Xalay ka sameyeen ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

12/5/2022 12:53 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.